Saxilnews.com
Wiil saddex jir ah oo ku dhintay suuli uu ku dhacay
July 6, 2018 - Written by editor

Wiil saddex jir ah ayaa noqday ilmihii u dambeeyay ee ku dhinta dalka Koonfur Afrika, ka dib markii uu ku dhacay musqul.

Omari Monono ayaa ku dhintay musqul ku taalla meel guriga ka baxsan oo ay leedahay haweenay ay xigto yihiin, isla gobolkaas ayuu ku dhintay Michael Komape oo sannadkii 2014kii ku dhacay suuli.

“Waan murugoonayaa. Waxba ma cuni karo, waxna ma cabi karo,” ayay tiri hooyadii Kwena Monono, sida ay ka soo xigatay barta wararka ee IOL.

“Markaste oon arko shay uu wiilkaygu jeclaa, qalbiga ayaa i jaba waana ooyaa.”

Suuli

Getty Images

COMMENTS
Latest News