Taalobuur(Dawan):-Cuqaasha iyo Waxgradka deegaanka Taallo-buur ee ka tirsan Gobolka Togdheer ayaa baaniyay warar laga baahiyay Hay,adda Kaydka Raashinka qaranka iyo u diyaargarawga Aafooyinka.
Cuqaasha iyo Waxgradka deegaanka Taalobuur waxay sheegeen in aanay waxba ka jirin wararka laga faafiyay
deeq raashin ah oo Hay,adda Kaydka Raashinka qaranka iyo u diyaargarawga Aafooyinka gaadhsiiyay toddobaadkii hore 150 qoys oo dagan deegaanka.Taalla Buur o roobab baro kiciyeen.
Mid ka mid ah Waxgaradka Deegaanka Taalobuur oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa aanu cadaynaynaa Raashinkii naloo keenay in uu ahaa mid qiimo badan dad kuna wuu ku reeyay,Dawlada noo keentay waaku mahad sanyihiin,
Sidoo kale mid ka mida Waxgaradka Deegaanka Taalobuur ayaa beeniyay wararka laga baahiyay Raashinkii Hay,adda Kaydka Raashinka qaranka iyo u diyaargarawga Aafooyinka soo gaadhsiiyay deegaanka Taalobuur.Waxaana uu yidhi.”Waxa aanu cadaynaynaa hadaanu nahay Odyaasha iyo Waxgaradka reer Taalobuur,Raashinkii naloo keenay in aanu wax xumaana aanu la hayn,dad kaas wax sheegayna waa dad waxma garata oo warkaa iska sheegay ayay ahaayeen,”.