WAXAAN USOO JEEDINAYAA INAY SOO SAMEEYAAN XEERKA DOORASHADA WAKIILADA

0
25

Hargaysa (Saxil News.com)-Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Jamaal Cali Xuseen ayaa aqalka Golaha wakiilada ugu baaqay inay sameeyaan Xeerkii lagu dooran lahaa golaha ka dambeeya, maadaama aanu shaqaynayn Xeerkii 2005-tii lagu doortay oo ahaa mid wakhtigaasi uun isticmaalkiisu ku ekaa.

 Waxa uu ku baaqay in maadaama wakhtigu yar yahay ay waxka beddel iyo cusboonaysiin ku sameeyaan Xeerka 2005-tii lagu doortay Golaha wakiilada ilaa hadda fadhiya, inkasta oo uu shir-guddoonka Golahaasi ku eedeeyay in aanay doorashada diyaar u ahayn “Waxaan leeyahay Golaha wakiilada waa inaad samaysaan Xeerkii Doorashooyinka Wakiilada, waana inaydaan samayn xeer isqabqabsi keenaya” ayuu yidhi Jamaal.

 Cali Xuseen, waxa uu sheegay in Golaha wakiiladu doonayaan inay sida Guurtida iska fadhiyaan oo aanay doorasho galin “Golaha wakiiladu dantooda ayuun bay ka fikireen, oo waxay samaysteen Xeer u saamaxaya inay hal sanno Mushaharkii qaataan marka Xilku ka dhamaado” ayuu yidhi Mr Jamaal oo u waramay saxaafadda gudaha.

 Hadalka Jamaal ee ah in Golaha wakiiladu ay dantooda ka raacdeen shuruucdii looga baahnaa inay dalka u sameeyaan waxa uga markhaati furay Guddoomiyaha Golahaasi, Md. Cabdiraxmaan Cirro oo shalay khudbad ka jeediyay Munaasibad uu xisbigiisa WADDANI ku qabsaday Hargeysa “Waxaanu Golaha Guurtida uga digaynaa inay sameeyaan Muddo kordhin aan sharci ahayn oo lagu asturayo Xukuumad iyo Gole hawlahoodii qabsan kari waayay…”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Xisbiga Waddani waxa uu soo jeedinayaa in Golaha wakiilada la kala diro”

 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here