Saxilnews.com
“Waxaan Madaxweynaha Iyo Xukuumaddaba U Sheega In Aan Rer Awdal Kursiga SONYO Lagu Qancin Karin”.Suldaan Xiiray.
January 30, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxilnews) Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo kamid ah madax dhaqameedka Bariga Hargaysa, ayaa ugu baqaay in aan tabashada rer Awdal lagu qancin karin kursiga dalada Dhalinyaradda SONYO. Sidaana wuxuu Suldaanku ka sheegay xaflad ay shalay Garabka uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xirsi Warsame xilka daladaas kula wareegayeen. Waxaana hadaladiisi kamid aha.

image

“Madaxweynaha iyo Xukuumadaba waxaan u sheegaya, Gobolka Awdal way cabanayaan lakiin Guddoomiye yar oo laba sanno ah lagu qancin kari maayo. Jananada Somaliland ayay wax ka doonayaan, waxay wax ka doonayaan Wasiirada A-da ah ayay wax ka doonayaan. Waxay wax ka doonayaan Ganacsiga”.

Suldaan Xiiray oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, waxaanu leenahay cabashada Gobolka Awdal iyo Salal haloo dhego nuglaado.”.

Kulankaas Garabka dhalinayaradda SONYO qabsadeen waxaa ka soo qaybgalay badi Madax dhaqameedka ay isku degaanka yihiin Cabdicasiis Xirsi Warsame.

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News