Saxilnews.com
Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Caddaaladda Oo Tobabar Addis Ababa Ugu Soo Xidhay Saraakiil Ciidanka Asluubta Ka Tirsan + Sawiro 
February 27, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Addis Ababa (Saxilnews):- Wasiirudawlaha Wasaaradda Caddaaladda Md. Khadar Axmed Diiriye,

ayaa tobabar horumarinta iyo maaraynta xabsiyada ah ugu soo xidhay, isla markaana shahaadooyin guddoonsiiyey saraakiil ciidanka Asluubta ah.

Image may contain: 3 people, people standing and indoor

Xafladda Xidhitaanka tobabarkan oo ka qabsoonmay hudheelka Desalegn ee magaalada Addis Ababa Jimcihii toddobaadkan , waxa qaybgalay Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Maxamed Ibraahim Cismaan, Wasiirudawlaha Wasaaradda Caddaaladda Khadar Axmed Diiriye, Hoggaanka Qorshaynta iyo Tababarada Ciidanka Asluubta, Agaasimaha Waaxda Xabsiyada iyo Xuquuqal-insaanka ee Wasaaradda Caddaaladda, Agaasimaha Qorshaynta Wasaaradda Caddaaladda, saraakiil ka socotay dawladda Sweden iyo masuuliyiinta hay’adda UNODC.

Tobabarkan oo muddo sannad ah u socday saraakiisha waxa maalgelinaayey hay’adda UNODC, waxaana ciidanka tobabaraayey khubaro ku takhasustay horumarinta iyo maamulida xabsiyada casriga ah.

Wasiirudawlaha Wasaaradda Caddaaladda Md. Khadar Axmed Diiriye, ayaa kula dardaarmay saraakiisha in ay aqoonta ay barteen ku dabakhaan shaqooyinkooda, isla markaana ay uga faa’iideeyaan ciidanka kale ee carbiska ah.

Image may contain: 3 people, people standing and indoor

“Waa inaad weelaysaan aqoonta aad barateen oo aad ka midho dhalisaan, waayo waxaad nasiib u hesheen in khubaro idin tababarto, isla markaana aad shaqadiina ku dabakhdaan culuumtii xabsiyada ku saabsanayd ee aad barateen. Waad la socotaan xaaladda xabsiyadeena, marka waxaan rajaynayaa in aad wax ka beddeli doontaan,” ayuu yidhi Md. Khadar Axmed Diiriye.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Ibraahim, ayaa u mahadnaqay khubaro Sweden u dhalatay oo tababarka bixinaysay muddada sannadka ah, waxaannu saraakiisha kula dardaarmay in ay dedaalka sii wadaan.

Image may contain: 7 people, indoor

“Tobabarka waad ku mahadsan tihiin, saraakishuna dedaal bay samaysay. Waxaan idinkula dardaarmi lahaa in wax intan ka ballaadhan aad u qabataan ciidanka asluubta, waxaanan hubaa in ay noqon doonaan jiilka beddeli doona wayeelka,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Asluubta Md. Maxamed Cismaan Ibraahim.

Saraakiil ka socotay hay’adda UNODC iyo khubarada Swedish ah ee tababarka ayaa sheegay in 8 sarkaal oo ay ku jirtay haweenay kaliya ay sameeyeen dedaal, isla markaana ay ku soo baxeen imtixaan iyo qiimayn badan oo maraaxil kala duwan soo martay.

Wasiirudawlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Taliyaha Ciidanka Asluubtu waxay shahaadooyin guddoonsiiyey saraakiishaas tobabarka dhammaysatay.

Waxa khubarada Swedish ah ay saddex maalmood oo kale ugu oo tobabar ah ugu sii dareen saraakiishan si loo soo gunnaanado waxyaabihii qaybyada ka noqday.

COMMENTS
Latest News