Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL oo Tobabar u soo Xidhay 40 Haween ah oo Katirsan Ciidanka Asluubta.

0
24

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL oo Tobabar u soo Xidhay 40 Haween ah oo Katirsan Ciidanka Asluubta.
========================
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL Md. Saleeban Warsame Guuleed oo uu wehelinaayo Taliyaha Ciidanka Asluubta JSL Sarreeye Guuto Ahmed Cawaale Yusuf (Libaax) ayaa tobabar u soo xidhay 40 haween ah oo ka mid ah saraakiisha iyo saraakiil-xigeennada Ciidanka Asluubta.
Wasiir Saleeban Warsame, ayaa ku dhiirigeliyey haweenkan in ay aqoonta sii wadaaan, waxaannu u ballanqaaday in tobabaro badan iyo aqoon korodhsi dhinaca maamulka xabsiyada iyo maxaabiista ah qorshaysan yihiin.
Wasiirku waxa uu u mahadnaqay hay’adda UNODC oo tobabarkan taageeraysay, isla markaana khubarada bixinaysay ka keentay dalalka xabsiyada horumarkooda hoggaaminaaya.
Taliyaha Ciidanka Asluubta JSL Sarreete Guuto Axmed Cawaale Yuusuf, ayaa haweenkan ku boogaagadiyey sida ay ugu heelanaayeen in ay aqoon iyo waayo-aragnimo dhexdooda isu gudbiyaan, muddada shanta (5) maalmoodna ay samir iyo dulqaad muujiyeen.
Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse, ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in xubno saraakiil ah oo haween ah gobolkiisa uga qaybgaleen tobabarkan, waxaannu sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado horumarinta xabsiyada, maxaabiista iyo Ciidanaka Asluubta ba.
Catrine oo ka socotah hay’adda UNODC, ayaa uga mahadnaqday Wasaaradda Caddaaladda iyo Ciidanka Asluubta, waxaanay xustay in ay diyaar u yihiin in ay hawlo badan kala shaqeeyaan Somaliland, gaar ahaan horumarinta iyo casriyeynta xabsiyada.
Waxa sidoo kale halkaas ka hadlay Hoggaanka Hawlaha Qorshaynta Ciidanka Asluubta iyo Agaasimaha Waaxda Arrimaha Xabsiyadda iyo Xuquuqal-insaanka Wasaaradda Caddaaladda Ibrahim Khadar Siciid.
Ugu fanbaytii Waxa Wasiirka Caddaaladdalada, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Badhasaabku shahaadooyin guddoonsiiyern 40kii haweenka ah ee dhammaystay tobabarkaas 5 maalmood hudheelka Ambassador uga socday.
Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Caddaaladda JS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here