Wasiirka Warfaafinta Somaliya Oo Ka Hadley Sababta Loo Xidhay Saxafiyiin Ka Tirsan Telefishinka Al-Jazeera

0
19

Moqdisho (Saxilnews):-  Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa markii u horeysay ka hadlay xadhiga maalin ka hor Ciidamada ammaanka u geysteen Wariyeyaal ka tirsan Telefishinka Al-Jazeera qeybtiisa afka English-ka ee xaruntiisu tahay magaalada Doxa.

 

Maareeye oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in aanay markii hore ka warqabin qaabka ay dalka ku soo galeen, isagoo xusay in markii ay yimaadeen dalka ay aadeen deegaanada ay ka taliyaan Al-Shabaab, halkaasoo uu xusay in lagu soo dhoweeyay waxaana uu ydihi

“Wariyeyaasha markii hore dalka waxay ku soo galeen, iyadoo aan laga war qabin, markii ay imaadeen waxay aadeen deegaanada ay ka taliyaan Argagixisada, waxaa laga shakisan yahay oo su’aalo laga weydiinayaa qaabka ay dalka u yimaadaan hadii ay wariyeyaal sheegteen iyo hadii kale, sida ay ku heleen xidhidh  Madaxda Al-Shabaab oo ay la soo kulmeen, iyagoo tagay deegaano aad u fog fog ah”ayuu yidhi Wasiir Maareeye.

Maareeye ayaa sidoo kale sheegay in Wariyeyaashan ka tirsan Al-Jazeera ay wataan xog hal dhinac ah, isla markaana dhinna dowladda ay iska qariyeen.

“Waxay doonayeen inay baxaan iyadoo aanay dowladdu ogeyn inay baxaan, iyagoo wata xog hal dhinac ah, iskana qariyay dhinaca dowladda, waxyaabahaas ayaa su’aalo laga weydiinayaa marka hey’adaha amniga su’aalaha dhameystaan waa la sii deynayaa”ayuu yidhi Wasiir Maareeye.

Ciidamada Nabadsugida ayaa maalin ka hor duleedka Muqdisho ku qabtay Wariye Xamza Mohamed, sawir-qaade la socday iyo darawalka gaarigiisa, waxaana la sheegay inay ka yimaadaan deegaanada Al-Shabaab ka taliso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here