Saxilnews.com
WASIIRKA WARFAAFINTA SOMALIYA OO KA HADLEY QARAXII MAANTA KA DHACAY AFAAFKA MADAXTOOYADA VILLA SOMALIYA IYO MAGACYADA DADKA KU DHAAWACMEY + (SAWIRO).
August 30, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Moqdisho (Saxil-News):- Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada amniga ay ka hortageen ujeedka lala damacsanaa qaraxii maanta.

 

Wasiirka  ayaa ugu horeyn tacsi u diray Umadda Soomaaliyeed dadkii ku nafwaayay qaraxii ka dhacay inta u dhexeysa afaafka  hore ee Madaxtooyada  iyo Hotel SYL  waxaana uu Alle uga baryay kuwa ku dhaawacmay in uu bogsiiyo.

s1

“Wasiirka dekadaha iyo wariyeyaal dhowr ah oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka ayaa dhaawacyo muraayado ku saabsan ay soo gaadheen, xaaladooduna way fiicantahay, hadda Alxamdullih, waxaana Alle uga baryayaa in uu bogsiiyo” ayuu yidhi Wasiir Maareeye.

s2

Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ka codsaday beesha caalamka in dowladda gacan lagu siiyo sidii loo cirib tiri lahaa dhagar qabayaasha Al-Shabaab, isagoo ammaan ujeediyay ciidamada amniga ee ka hortagay falkii ay damacsanaayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Sidoo kale Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa uu ka hadley masuulyiinta  ku dhawacmey qaraaxsi

s3

“Aniga Hotelka ayaa joogay dhaawac fudud baa i gaadhay, waxaa Hotelka ka socday labo shir ” ayuu yidhi  wasiirki

Dhinca kale wararka ay shabakada Ilaysnews.com ka helayso qaraxaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in  masuulyiintii  ku dhaawacmey qaraxaasi ay ka mid yahiin .

1.Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye

2.Wasiirka Dekada Nuur Faarax

3.Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow

4.Xildhibaan Caasho Koos

5.Wasiirul dowlaha wasaarada gaashaandhiga Maxamed Cali Xaggaa

s4s5s7

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News