Saxilnews.com
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Xisbiyada Ugu Baaqay In Ay Doorashada Xukuumada Kala Shaqeeyaan.
August 22, 2015 - Written by admin

Hargaysa(Saxilnews.com)Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Xisbiyada Mucaaradka ugu Baaqay Si Aanay Markale Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladu Dibu dhac ugu imanin in Ay Xukuumada Kala shaqeeyaan Sidii Ay u qabsoomi lahayd.

waxa uu Xisbiyada Mucaaradka ku Amaanay Siday U aqbaleen Go’aankii Maxkamadda Somaliland,isaga oo Wixii sababay Muddo Kordhinta Soo jeediyay in Laga Waantoobo iyada oo komiishankina Hormuud ka yahay Lawajaho Sida ay doorasho u qabsoonto.

Wasiirka ayaa Sidaas ku sheegay Kulan Loo qabtay Hogaanka Sare ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja waxaana uu yidhi.

“Waar Doorashadu Sideebaanay Mar Kale Dib ugu dhicin,waa intaas lagawada shaqeeyo oo xisbiyad Mucaaradku



is yidhaahaan Tiihore balka kaalayoo Waana ay ku mahad Sanyihiin in Ay mucaaradka Muxaafid iyo Xukuumadba Aqbaleen Go’aankii Makamadda Sare Somaliland ku Xalisay Khilaafkii ka Dhashay Muddo Kordhinta Xukuumada loo Sameeyay,waana waajib ay Guteen.

Wasiir Cukuse oo hadalkiisa Siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray waxaana uu yidhi.”imikana waxaan leeyahay xisbiyadu waa in  ay ka shaqeeyaan Sidaanay Markale Doorashadu dib ugu dhicin,lays waydiiyaana maxaa inaga qabyo ahaa ee Sababay Korodh Siimada taasna lagawada shaqeeyaa oo Komiishankuna Hormuud ugu Noqdaa.

Waxa uu wasiir cukuse sheegay isaga oo Ah Afhayeenkii Xukuumada Somaliland in Ay hore xukuumada Diyaar ugu ahayd Maanta Doorasho Diyaar ugu tahay,Balse Hadaan laga shaqayn ay dib u dhac keeni karto marlabaad ku yimaada Doorashada waxaana uu yidhi.

“Maanta Xukuumadu waa u diyaar inaanay Doorashadu dib u dhicin wakhtigeediina ku qabsoonto.Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi Galinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.

Bishan ayay ahayd Markii Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo isku Khilaafsanaa Muddo Kordhinta Go’aamo Maxkamadda Sare ka Soo saartay kuwaas oo Xisbiyada Iyo Xukuumaduba ku Qanceen,waxaana lagu Wadaa Sanadka 2017ka in Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Baarlamanka Lawada Qabto.

COMMENTS
Latest News