Saxilnews.com
WASIIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND IYO AFHAYEENKA MADAXTOOYADA OO FARO CIDOOD LAGU KALA JIIDAY MAANTA
August 9, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (SaxilNews):- warar ay shabakada wararka ee Saxilnews.com ka helayso xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa ay sheegayan in maanta  faro cidood lagu kala jiiday wasiirka warfaaafinta iyo afhayeenka madaxtooyada ka dib markii dagaal  gacan ka hadal ahi dhex mari gaadhey .

 

Labadan masuul ayaa waxaa uu khilaafkoodu ka curtey  ka dib markii wasiirka warfaafinta uu shir saxaafadeed ku qabtey gudaha madaxtooyada Somaliland  isla markaana isaga oo sheegay in uu ku hadlaayo afka xukuumada uu ku bogaadiyey codkii ay xildhibaanada golaha wakiiladu ku meel mariyeen heshiiska dekada Berbera.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cismaan sheekh Cilmi Faahiye (Shamax )  oo isla markaasi goobta soo istaagay ayaa waxaa uu  wasiirka warfaafinta ku qabsadey sababta uu ugu hadlayo afka xukuumada Somaliland madaama oo uu isagu yahay afhayeenkii madaxtooyada isla markaana uu hada ku dhex sugan yahiin madaxtooyada Dhexdeeda , wasiir cadaani ayaa arintaasi ganafka ku dhuftey isla markaana sheegay in uu yahay afhayeenka xukuumada Somaliland

waxaa xusid mudan in labadan masuul ayaa malamihii u danbeyey mid waliba gaarkiisa ugu hadlaayey afka xukuumada .

COMMENTS
Latest News