Saxilnews.com
Wasiirka Cafimaadka Jsl Waxa aan halkan tacsi Uga dirayaa ehelada dadkii shalay waxyeeladu ka soo gaadhay falkii maato-dooxa ahaa ee uu gaystay Cali Khaliif galaydh, waxaan ilaahay uga baryayaa inuu janadii ka waraabiyo intooda dhimatay
February 15, 2016 - Written by admin

Buuhoodle (Saxilnews.com)-Waxa aan halkan tacsi Uga dirayaa ehelada dadkii shalay waxyeeladu ka soo gaadhay falkii maato-dooxa ahaa ee uu gaystay Cali Khaliif galaydh, waxaan ilaahay uga baryayaa inuu janadii ka waraabiyo intooda dhimatay intoodana dhaawacantayna uu caafimaad sareecan ah siiyo.

Waxaan cambaaraynayaa falkaa waxashnimada ah ee fulaynimada ah ee bani’aadanimada ka baxsan ee uu ku kacay ninkaa dagaal oogaha ah ee Cali khaliif oo muddooyinkii u dambeeyey colaad ka hurinayey meelo ka mid ah Gobolkan, isagoo muddo toban cisho ah ka hor warbaahinta soo mariyey baaqiisii ku saabsanaa colaad maato doox ah, isagoo ku hanjabay in bulshada reer guuraaga ah ee is dhex degan colaad ka dhex abuuri doono oo uu xasuuq u gaysan doono , colaad maato doox ahna samayn doono. Falkan uu sameeyeyna waa mid xaqiijinaya in uu hanjabaadiisii ka dhabeeyey, isagoo soo agaasimay falkaas oo diray koox argagixiso ah oo xasuuqay dad reer guuraa ah oo ay waxna dileen waxna dhaawaceen.

Ururada caalamiga ah iyo kuwa heer gobol sida Qaramada Midoobay iyo IGAD waxaan ku wargelinaynaa in ninkaasi Dagaal oogaha ahi uu colaad, deganaansho la’aan iyo xasilooni darro ka abuuray Mandaqadda’.

Dawlada Somaliland waxa u qorshaysan nabad ku soo dabbaalida Gobolkan, waxana naga go’an in aanu tallaabo ka qaadno cid kasta oo doonaysa inay falal amni darro oo maato doox ah ka gaysato gobolkan, anaga oo ka hortegayna sharka uu wado

Shacabka, odayaasha,waxgaradka,cuqaasha iyo garadaddaba waxaan leeyahay soomaalidu waxay ku maahmaahda Nin aan kuu furi doonin yaanu kuu rarin, waxay ila tahay in aad ogtihiin waxa Cali khaliif Ujeedadiisu tahay iyo waxa uu soo wado, dhacdadii shalay dooxa ahayd ee shalay-na waxay markhaati ka tahay ujeedadiisa iyo hadafkiisa, waxay caddayn u tahay colaadda uu doonayo in uu deegaanadan ka huriyo, waxa aan doonayaa in shacabku isku aragti ka noqdaan melena uga soo wada jeestaan dabka uu Cali Khaliif hurinayo iyo colaadda uu abaabulayo oo ah mid aan dani ugu jirin reer Buuhoodle.

Ninkaa nabad diidka ahi waxa uu xiligan ku sugan yahay saax-dheer Halkan fal danbiyuu ka gaystay wa dembiile inuu ku so noqdana xukuumad ahaan u ogalaan mayno
Shacabkuna u ogolaan mayo markaa waxaan ugu baaqayaa inaanu isku dayin inuu xagan ku so laabto.

Waxaana nooga qorshaysan madaamu oo falkaa xun uu ku kacay dembiilaha uu yahay gacankudhiiglahaa yahay dad laayey maato doox ku baaqay in uu ku sugnaado meel Somaliland ka mid ah.
Dr Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye)

WA BILAAHI TAWFIIQ

Xigasho Bage Dr Saleeban Xaglotoosiye

Wasiirka Caafimadka Jsl

COMMENTS
Latest News