WASIIRKA CAAFIMAADKA OO XARUN UU XADHIGA KA JARAYAY KU DARAY WAXQABADKA XUKUUMADA.

0
13

Berbera (Saxilnews.com)-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye Ayaa Xadhiga ka Jaray Xarun Caafimaad Oo Laga Yagleeyay Deegaanka Dhamasha Ee Waqooyiga Hargaysa.

Xarunta Caafimaad Ee La dhisay Ayaa wasiirka Caafimaadku ku daray waxqabadka Xukuumada Somaliland Waxaana uu Amaanteeda Siiyay Madaxwayne Siilaanyo.

Wasiirka ayaa wax wehelinayay Xubno ka Tirsan wasaarada Caafimaadka Dadka Deegaanka iyo Masuuliyiin Ka tirsan Xukuumada.

Dadka Deegaanka Ayaa wasiirka Ku Amaanay Xarunta Cusub ee uu u dhisay waxaana uu wasiirka oo Madasha ka hadlay sheegay.

“Runtii Xarunta waxaanu u samaynay waxa weeyaan Waa Meel Dad Badani ku dhaqan yihiin Deegaanada Xarumaha Caafimaadkan ka Fog,waxaanan Rajaynayaa in dadka

Deegaanka ku dhaqani in ay Si wanaagsan uga Faa’idaysan  Doonaan Dadka Halkan Dagani,Amaanteeda Lakiin Anigu Malihi ee waxa iska leh Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Nagu Hogaaminaya Wax qabad.

Intaas waxa uu ku daray Wasiirka wasaarada Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-Toosiye waxaana uu yidhi.

“Madaxwaynahu Markasta waxa uu Nagu Dhiiri Galiyaa Sidii Aanu Deegaanka Aan Caafimaadka Lahayn u Gaadhsiin Lahaa dadka Jilicsan waana Siyaasada Dalka,Sida Ay sheegta Agaasimaha Waaxda Qoyska ee Caafimaadku Sheegtay intuu Madaxwayne Siilaanyo joogay Xarumaha Caafimaadku Aad ayay u kordheen.

Waxa uu wasiirka Caafimaadku sheegay in 100%60 Kordheen Xarumaha Caafimaadku Xil ay Hadana Xaafadaha Magaalada Hargaysin Haawanayaan Xarumo Caafimaad  waxaana uu yidhi.

“Boqolkiiba Lixdan Xarumaha Caafimaadka Hargaysi Waxa ay Kordheen Intii Hayay Xilka Madaxwaynaha Somaliland,waxaanan Rajaynaynaa Afartanka Dhimana Inaanu Buuxino,Xarunta Miisaaniyada Xukuumada Ayaa Laga Dhisaa,Xarumo Aad u Badan ayaanu Sanad Kasta Dhisnaa,Si loo Daryeel Dhalaanka Iyo Caruurta.

Hadalkan Ka Soo yeedhay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-Toosiye ee uu Xarunta Kaga Furay Deegaanka Dhamasha ee Waqooyiga Magaalada Hargaysa,ayaa ku soo Beegmaysa Xili Ay Deegaankaasi Baylah Wayni ka Muuqatay.

Magaalada Hargaysa Qaybaheeda Badan Ayaan Lahayn Xarumo Caafimaad kuwaas oo bulshada Tabayso Xarumahaasi Wasiirka Caafimaadkuna Moogan Yahay.

Saxilnews/ Hargaysa /Office

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here