Saxilnews.com
Wasiirka Arrimaha Dibada Dalka Tanzania Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Wasiiro Ah Oo Ka Socday Dawlada Somaliland Iyo Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada Hadleen+Sawiro
February 22, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews)Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada dalka Tanzania mr,Uagustine Mahiga ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wafti wasiiro ah oo ka socday dawlada Somaliland isla markaana socdaal ku tagay dalka Tanzania.

Waftigan wasiirada ah oo uu hogaaminayey wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Maxamed Ibraahin Qabyo-tire ayna kamid ahaayeen wasiiru-dawlaha wasaaradda Beeraha Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan,Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibada Axmed-Kayse Aadan Ismaaciil iyo labada masuul oo kale oo ka mid ah guddiga abaaraha heer qaran ee Somaliland ayaa ujeedada ay dalka Tanzania u tageen ay ahayd sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen madaxda dalkaasi isla markaana ay ugala hadli lahaayeen arrimo badan oo khuseeya Somaliland.

Waftigan ayaa markii uu wasiirka arrimaha dibada dalka Tanzania xafiiskiisa ku qaabiley waxa dhex maray kulan kaas oo  ay kaga wada hadleen arrimo badan oo ay kamid ahayd sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal ee Somaliland iyo Tanzania,iyo waliba sidii dawlada Tanzania ay uga qayb qaadan lahayd gurmadka iyo taakulaynta dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deegaanada gobolada Somaliland,waxaana ay waftigan wasiirada ah ee ka socday dawlada Somaliland ay wasiirka u soo bandhigeen xaalada abaareed ee dalka ka jirta iyaga oo sidoo kale ka codsaday in dawladoodu gurmad deg deg ah soo gaadhsiiyaan dadkaasi abaaruhu ku habsadeen oo ay xaaladoodu wakhti xaadirkan marayso meel adag.

Wasiirka arrimaha dibada dalka Tanzania Mr,Uagustine Mahiga ayaa isagu dhankiisa ballan qaaday in xukuumaddiisu ay si dhakhso ah uga soo jawaabi doonto baaqa ay ula yimaadeen ee ku saabsan gurmad dadka abaaruhu ku habsadeen,waxaana uu waftigan u ballan qaaday in fariintan uu gaadhsiin doono madaxwaynaha dalka Tanzania uguna  soo jawaabi doonaan sida ugu dhakhsaha badan.

Gabagabadiina waftigan ka kooban wasiirada iyo guddida abaaraha ee ka socday Somaliland ayaa la filayaa inay inta ay dalka Tanzani ay ku sugan yihiin inay kulamo kala duwan la qaataan madaxda dalka Tanzani ayna kala hadlaan arrimo badan sidoo kalena waxa la filayaa inay sii dhaafaan dalka Tanzania.

16807215_1828647704055674_4285026543570338863_n  16832342_1828647800722331_6197039503252218541_n16864821_1828647734055671_3021584251087372111_n21 

 

 

 

COMMENTS
Latest News