Saxilnews.com
WASIIRADDA MAALIYADDA SOMALILAND MARWO SAMSAM CABDI AADAN OO XAALADDA CAAFIMAAD ISUTAGA IMAARAADKA CARABTA LOOGU QAADAY
May 1, 2016 - Written by cali abdilaahi

Hargeysa(Saxilnews.com)-Ilahay Caafimaad sareecan ah ha siiyeen waxa maanta dalka dibediisa xaalad caafimaad oo deg deg ah loogu qaaday Wasiiradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, iyaddo la geyey dalka isku tagga imaaraadka caarabta gaar ahaanna magaaladda Dubai.
halkaasoo xaaladeeda caafimaad lagu soo dabiibaayo, waxana la sheegay inuu xanuunka Marwo samsam yahay Waddno xanuun xad-dhaaf ah iyo Xasaasiyadda. Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maalmahanba xaalad caafimaad darro u jiiftay hoyga ay ka degen tahay caasimadda somaliland ee hargeysa. ilahay waxaynu u weydiinaynaa inuu caafimaad ugu soo bedelo wasiiradda Qaranka Marwo Samsam Cabdi Aadan 

 

 

 

Saxilnews.com

COMMENTS
Latest News