wasiir xirsi oo dalka dub ugu soolabanaya + cabsida laga qabo in uu sii huriyo hirdanka musharaxnim ee xisbiga kulmiye

0
17

Hargaysa (SAXILNEWS)_Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland,MD. Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa la filayaa inuu tidobaadkan Dalka soo gaadho,isaga oo qeyb ka ah Wafdi la socdo Madaxweyne Siilaanyo,kaas oo hadda Safar nasasho ah ku jooga Dalka Ingiriiska.
Wasiir Xirsi oo ka mid ah shaqsiyaadka damaca weyni kaga jiro Hogaanka Xisbiga KULMIYE,isla-markaasna ay bah-wadaag-yihiin Wasiirka arrimaha Dibadda Iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda MD. Cabdicasiis Samaale,ayaa Maal-mihii ugu danbeeyay ka gaabsadday ka hadalka Loolanka Xisbiga ka dhex-taagan,waxaana la sheegayaa inuu si weyn u abaabulayo Ol-lole xoogan,kaas oo lagu waajahayo Kornayladda hadda majaraha u haya Maamulka Xisbiga iyo qaban-qaabadda Shir-weynaha Gollaha dhexe ee Xisbiga.Waxa la sheegayaa inay suura-gal tahay In Imaatinka Xirsi ee Magaaladda Hargaysa uu wax weyn ka bedili doono Saadaasha laga qabo Libin-geerar kala caraabi karta Lagdanka Socda ee hadda Cidiyo Ku-Dagaalanka maraya.
Dhinaca Kalena,waxa la sheegayaa in Garabka uu Gudoomiye Muuse Biixi Hogaaminayaa ay si weyn iskaga ilaalinayaan dhaq-dhaqaaqyadda Wasiirka Madaxtooyadda oo ay u arkaan Xubin fir-fircoon,isla-markaasna kala daadin karo Shaxo faraban oo hadda ay aamisan yihiin inay ka biyo-keeneen.
Si kastaba ha ahaatee,waxa laga war-dhawrayaa maalmaha ISNIINTA ama SALASADDA oo la filayo in Wafdiga uu la socdaa Dalka soo gaadhaan.

 

maxamed ilkacase 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here