Saxilnews.com
Wasiir Xaglo Toosiye oo Si diiran loogu Soo dhaweeyey Buuhoodle
August 16, 2015 - Written by admin

Buuhoodle (Saxilnews.com);;Wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, ayaa galinkii hore ee axadda si diiran loogu soo dhaweeyay

 magaalada Buuhoodle. Socdaalka wasiirka ayaa lala xidhiidhinayaa sidii aanu degaankaasi saamayn ugu yeelan lahayn Hogaamiyaha kooxda Khaatumo oo isna ku sugan degaanka Buuhoodle kadib markii maalmihii la soo dhaafay uu halkaasi soo gaadhay.

Gaadiid tiro badan iyo fardo ayaa lagu qaabilay weftiga Wasiir Xaglotoosiye, iyadoo waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee degaanku kaga hor tageen degaanka Kalshaale oo 35km u jira magaalada Buuhoodle oo markii dambe weftiga loo galbiyay.

Wasiirka oo bulshada hadal u jeediyay ayaa u laqimay sida qaddiyadda qaranimada Somaliland u tahay lama taabtaan, waxaanu bulshada ugu bushaareeyay in xukumaddu ula diyaar tahay mashaariic horumarineed.

Wasiirka caafimaadka ayaa tan iyo intii uu xukumadda Siilaanyo ka tirsanaa waxa bulshada degaannada bariga Somaliland kaga mahad sheegteen waxqabad adeegga caafimaadku ugu horeeyo, isagoo saamayn siyaasadeedna ku leh deggaannadaasi.

 

 

 

 

 

 

 

Maxamed hassan

 

WWW.Saxilnews.com

 

 

 

 

Saxilnews005@gamil.com

COMMENTS
Latest News