Wasiir Samaale Oo Wasiir Xirsi Kula Hirdamay Casho sharaf Uu Jeebkiisa Kaga Bixiyay Arayda Jamacada Timacade.

0
15

Wasiirka maaliyada somalliand sh samaale oo ah wasiir ku dhex saqiiray xukumada uu gadh-wadeenka ka yahay axmed siilaanyo ahna wasiirka hantida qaranku uu leeyahay ku raadiya in uu sumcad ku helo kuna bixiyo malaayiin dollar, ayaa waxaa maalintii dhaweyd ee ay qalin jabinayeen arayda jamacada timacade ee gabilay uu ku hungoobay casho sharaf uu islahaa kaga raadso sumacad iyo karaamo ardaydii qalinjabinaysay.

Casuumada Casho sharafta ahayd ayaa ugu horayntiiba waxaa balan qaaday wasiirka madaxtooyada Somaliland xirsi cali xaji xasan oo u fidiyay ardaydii qalinjabisay waxaa goobta ku sugnaa wasiiradii gobalka u dhashay ee uu kamid yahay wasiir samaale oo ah kii u baratamayay in uu sameeyo casho sharafta.

Wasiir samaale  ayaa u qaadan waayay cashada looga horeeyay ee uu bixiyay wasiir qayrkii ah laakin ugu sumcad iyo karaamo badan bulshada  dhexdeeda.

Sida laga war qabo wasiirka madaxtooyada oo casho sharaftaa uu bixiyay waxaa uu ka bixiyay jeebkiisa halka uu samaale casuumadaha uu samaynayo uu ka saaro khasnada dawlada iyadoon cidina kula xisaabtami.

Si kasbta ha ahaate xisaab alle ayaa iska leh waxaan talo iyo tusaale aanu siin lahaa wasiirka maaliyada oo ah shaksi ay ka muuqato habacsanaan siyaasadeed iyo mid diineedba, horta waa  sheikh caalim ah oo diinta wax badan ka yaqaana laakiinse waxaa ayaan daro ah kuma dhaqmo intooda badan.:

Wasiir samaale waa in uu ogaadaa in illahay kala xisaabtami doono qodobadan hoos ku xusan.

  1. Waa in uu ogaadaa xilka loo dhiibay in uu illahay kala xisaabtami doona siilaanyo dabadii.
  2. kharasaadka uu ku bixinayo casuumadaha uu ku raadinayo sumacada iyo karaamada waa in uu ogaadaa in rabbi (SWT) uu weydiin doono silaanyo dabadii waa maalinta qiyaamaha.
  3. Waa  in uu ogaadaa munaafaqada iyo qoriga dabka leh ee la dhex marayo bulshada uu ka dhashay ee uu leeyahahay anaa kala saaraya musharaxiinta barlamaanka in uu illahay cadaalada wax ka weydiin doono.
  4. Waa in uu ogaadaa inta uu leeyahy calaamadahaa kor ku xusan in aanu heli Karin kursi madaxtinimo illaa uu ku sifoobayo sifooyinka wanwanaagsan.

berbera2002@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here