Wasiir Sacad, oo shalay waraysi gaar ah siiyay Geeska Afrika, waxa uu sheegay inaanu marna iska casilayn xilka. Waraysiga oo ah mid kooban, wuxuu u dhacay sidan:
S : Wasiir waxa muddooyinkii ugu dambeeyey la hadal hayey inaad is casilayso, wasaarada khaarajiguna way beenisay. Maxaa ka jira?
J :Arinkaas wax alaale wax ka jiraa ma jiraan, ismaan casilin, ismana casilayo Madaxweynuhu isaga I magacaabay, isagaana xaq u leh inuu cidda uu doono magacaabo, laakiin is casilaada la sheegayaa maaha wax xagayga ka yimid, kana imanaaya isha allaah.
S:Shirkii Labada Gole waad ka maqnayd, maqnaashaaguna shaki badan buu abuuray,markaas maxaa keenay inaad ka maqnaato?
J : Anigu Madaxweynaha ayaan matalaa, halka uu Madaxweynuhu joogo la igama baahna.
S: Saldhiga Milatariga ee Somaliland Imaraadka la siinayo dalka, waxa la leeyahay Itoobiya shakiga badan bay ku abuurtay, ee maxaad ka jira?
J : Anigu runtii arinkaas ma hayo, Shakiga Itoobiya ma hayo
S : Maxaad Bulshada Somaliland ugu baaqaysa?
J :Waxaan ILLAAHAY ka baryayaa inuu abaarta inaga jabiyo, oo raxmadiisa uu inoogu deeqo, dadka waxaan ugu baaqayaa inay nabadgalyada ilaaliyaan, midnimada ilaaliyaan, ILLAAHAYNa ka cabsadaan.
Source:- Geeska