Saxilnews.com
WASIIR KU XIGEENKA KALLUMAYSIGA SOMALILAND OO FURAY SHIRKII SADEX BILLOODLAHA AHAA EE W/KALLUUMAYSIGA
August 20, 2015 - Written by admin

BERBERA (Saxilnews.com)-wasiir ku xigeenka & agaasimaha guud ee wasaarada kalluumaysiaga somaliland ayaa furay shirkii kalluumaysiga s/land oo lagu qabtay hotel mansoor ee magaalada berbera.

shirkan waxa lagaga hadli doonaa mudada uu socdo arimo mihiima oo ay ka mid yihiin  samaynta dalad guud ee kalluumaysata somaliland

  1. ka hortaga xalufka bada iyo ka faa idaysiga khayraadka bada
  2. iyo sidii loo samaynlahaa gudi kasoo talo bixisa carwo bandhigeed dhinaca kalluunka ah oo lagu qaban doono bisha 10aad ee sanadka magaalada berbera

waxaa halkaasi ka hadlay maxamed xaaji aadan oo ah wasiir ku/kallumaysiga

waxaanu yidhi;shirkani wuxuu kamid yahay shirarka 3biloodlaha ah ee wasaarada kaluumaysiga

waxaana kaqayb qaadanaaya hayadaha maxaliga iyo kuwo caalamiya ee la shaqeeya wasarada kalluumaysiga

 

waxa iyana goob joog ahaa oo ugu horayntii shirkani ka hadlay mayerka magaalada berbera c/shakuur maxamuu xasan cidin &  gudoomiyaha gobolka saaxil fahmi cabdi bidaar oo iyagu xalkaasi hadalo dhiiri galina ka soo jeediyeye..

 

 

 

BY MAXAMED XASAN FARADEERO

 

 

 

SAXLNEWS005@GMAIL.COM

 

HEAD OFFICE BERBERA (SAAXIL)

 

 

 

 

 

COMMENTS
Latest News