Saxilnews.com
Wasiir Dhistay Guri Cajiiba Oo Daaqadihiisa Aanay Xabadu Ka Gudbi Karin Caddad Lacagta Ku Baxday Halka Uu Ka Keenay Iyo Dalka Uu Wasiirkani U Dhashay.
November 28, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

-Mid ka mid ah Wasiirada Dawladaha dalka Aasiya ayaa la kulmay dhaleecayn aad u xoogan ka dib markii uu sameeyey arin cajiiba oo ay aad ula yaabeen bulshada kala duwan ee warkiisa heshay.

Wasiirka ayaa dhaleecaynta ay ku dhacday ka dib marki u degay guri wayn oo qasri ah kaasi oo ay ku kacday Aduun Lacageed oo gaadhaya 7.32 Milyan Doolar lacagtaasi oo ah canshuurta laga qaado Shacabka Dalkaasi,

caj

Gurigan ayaa ku fadhiya Sagaalkun oo Mitir oo isku wareeg ah ayaa waxa uu ku yaalaa Magaalada Hayderbaad Faras Magaalaheeda,waxaanu leeyahay Suuliyo Ama Musqulo aanay Karin Xabadu Masrax ama Hool ay qaadi kara dad u dhaxeeya 250 ilaa 500 oo Qof waxna ku daawan karaan.iyada oo dhamaan Daaqadaha Gurigan aanay kasoo Gudbi Karin Rasaastu.

seer

Koox wasiirka ay isku diin yihiin ayaa intii aannu u guurin waxay guriga u tageen si ay ugu duceeyeen, waxaase musqulaha xabbaddu karin ee gurigu leeyahay ay dhalisay in dadku ay si wayn u dhalleeceeyaan.Wasiirka ayaana gurigan u guurey ka dib markii uu ku soo duceeyey Sheekha ugu wayn Diinta Hinduuga.

Guri leh musqulo xabaddu karin

Gurigan ayaa intii aan la dhisin waxa lagu saleeyey istiraatiyad guud taasi oo ku salaysan Diinta Hinduuga, Wasiirka ayaa bishan hortaanteedii wuxuu soo jiitay indhaha saxaafadda ka dib markii uu isku dayay in uu burburiyo dhisme dawladdu leedahay oo uu aaminsan yahay innaanay ku dhisnayn hab dhaqanka diineed kuwaasi oo nasiib xumo ku ah dawlad goboleedka.

COMMENTS
Latest News