Wasiir Cali Mareexan Oo Qorshe U Muuqda Olale Ka Dhex Bilaabay Dhismaha Wadada Baligubadle Iyo Gudida Wadadaas Oo Arintaasi Gaashanka U Daruuray

0
108

Hargeysa (SaxilNews):- Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guryeenta Somaliland Cali Maxamed

Xassan (Cali Mareexaan) ayaa waxaa ay qorshe u muuqda mid olale ah uu ka dhex bilaabay dhismaha jidka wadada Baligubadle -Hargeysa .

Dhawaan ayey aheyd markii xukuumada Somaliland ay balan qaaday in 5 KM oo wadadaas ay dhisi doonti isla markaana ay bixin doonto lacagteeda iyada oo ilaa hada ay wadadaasi mareyso ku dhawaaad 20 KM oo ah wado casari ah lacag badana ku baxdey .

 Balan qadkaas xukuumada ayaan fulin isla markaana waxaa 5 Km ee wadada Baligubadle ay gudida wadaadasi u xaqiijiyeen Shabakad Ilaysnews.com In wasiirka hawlaha Guud iyo xukuumadu ay u wareejisay mashruuca JPLG ee dib u dhiska degmooyinka isla markaana 5 tii KM lagu sameyn doono magaalada Baligubadle dhexdeeda halkii lagaga dari lahaa dhismahan jidka Baligubadle Taga

Xukuumadu waxaa uu qorshaheedu yahay in ay isku dhex qariso laba mashruuc oo ay rabto in ay iskaga dhigto hal mashruuc oo kala ah Mashruuca JPLG ga oo degamda Baligubadle xaq u leedahay iyo balan qaadka dhisamaha wadadan socota .

Gudida gacanta ku haysa dhismaha jidka Baligubadle -Hargeysa ayaa arintaasi gaashanka u daruuray iyaga oo ficilkaasi uu hormoodka ka yahay wasiirka hawlaha guud ku tilmaamay mid olaale uu ka dhex raadinaayo isla markaana laba mashruuc la iskaga dhigaayo hal mashruuc .

Sidoo kale waxaaa isna arintaasi uu qorshaheeda wado wasiirka hawlaha guud isna ganafka k dhuftay masuulka ugu sareeya shirkada gacanta ku haysa dhisamaha wadada Baligubadle ee China Horn Group kaas oo sheegay in arintaasi surto gal aheyn isla markaana uu daamurku sii qaboobayo ilaa inta uu Baligubadle u sii wado isaga oo ku sameeyo goob ku taala xafaada Masalaha ee duleedka Hargeysa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here