Saxilnews.com
Wasiir Cali Mareexaan Oo Indhaha Ka Xidhay Wax Ka Qabashada Bariishka Weyn ee Caasimada Hargeysa Iyo Fadeexadaha Dul Hoganaya
February 2, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guryeenta Somaliland Cali MaxamedXassan (Cali Mareexan ) ayaa waxaa uu si toos ah indhaha uga xidhey wax ka qabashada bariishka weyn ee caasimada Hargeysa

Bariijka ayaa waxaa uu hada qarka u saaran yahay in uu gabi ahaanba dumo oo uu meesha ka baxo ka dib markii tiirarkii uu ku tagnaa qaar ka mid ahi uu daadku soo faqay isla markaana ay dibada taalo oo in ay go,do ku dhaw dahay

 

Wasiirkan ayaa waxaa hoos yimaada wadooyinka dalka oo dhan iyo biriishyada oo iyagu wadooyinka ka mid ah waxaana dul hogoneysa fadeexado ku saaban shaqadiisa gaar ahaan arimaha wadooyinka oo warar soo gaadhaya shabakada Ilaysnews.com ay sheegayaan in aan sidii la rabay wax looga qaban

Ma aha markii koowaad ama labaad ee qaylo dhaan ay warbaahinta Soo mariyeen dadka isicmaalka Biriijka weyn ee caasimada oo iyagu ku baaqay in wax laga qabto balse dhamaan baaqyadaas wasiirku dheg jalaq umuu siin wax uu ka qabteyna ma jirto , marka laga yimaado cagaf laba maalin ka hor halkaas tagtey oo cida ku aastey tiirki soo baxaay oo isagu u baahnaa in gabsan biyaha ka celiya lagu xidho

Lama Garanaayo ujeedka uu wasiirku ka damacsan yahay wax ka qabashada bariijka weyn ee Hargeysa oo hada qarka u saaran in u gabi ahaanba meesha ka baxo , hadii uu daad soo maro

 

COMMENTS
Latest News