Saxilnews.com
Wasaaradda Waxbarashada oo Tahli Kari Wayday in ay Dugsiyada Dawladda iyo Kuwa Gaarka Loo Lee Yahay ba ay Ku Mideyso Manhajka Cusub ee Waxbarashada Somaliland
November 26, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews):-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, ayaa tahli kari wayday in ay dugsiyada gaarka loo lee yahay iyo kuwa dawliga ah ba ay ka sinto Manhajka cusub ee Waxbarashada Somaliland, maadaama oo dugsiyada gaarka loo lee yahay ay wakhti xaadirkan isticmaalaan buugaag iyo Manaahij u gaara oo badankoodu ku dhisan Manaahij laga lee yahay dalal kale.
Warbaahinta Heegannews oo arrintan u kuur-gashay ,ayaa ku soo oggaatay in dugsiyada gaarka loo lee yahay ay ka dhego adeygeen adeegsiga Manhajka cusub ee dhawaan ay soo saartay wasaaradda Waxbarashada Somaliland, waxaana ay macalimiin la hadlay Heegannews ay ku sababeeyeen in Manhajka Somaliland uu u sameysan yahay qaab Macaash doon ah oo ay shirkad maamulanayso sida oo kale na uu ku jiro qaladaad badan oo xagga Aqoonta ah oo aan si fiican loo darsin.
Macalimiintan oo ka kala shaqeeya Iskuulo kala duwan oo gaar loo lee yahay , ayaa ka cudur daartay in magacooda la sheego

COMMENTS
Latest News