Warqad ay si wada jir ah u Saxeexeen Wasiirka & Wasiir ku-xigeenka Warshadaha oo joojinteedu Midkood Halis gelisay & Xog-Waranka laga bixiyey

0
14

Wasiir Ku-xigeen ka warramay Baastoolad Nin Xildhibaan ahi ku weeraray iyo qaabka wax u dhaceen

“Wasiirku wuxuu igu yidhi waxaan jecelahay inaynu Warqadda wada saxeexno, Adduunyadana lama arag Wasiir iyo Wasiir ku-xigeen wax wada saxeexa, laakiin…..”Wasiir ku-xigeenka Wershadaha

Hargeysa(Saxilnews.com)- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Wershadaha Somaliland Cali Maxamed Axmed, ayaa ka waramay nin ka mid ah Xildhibaannada Golaha deegaanka ee Gabilay oo uu sheegay inuu Baaskoolad ku qabtay isagoo Xafiiskiisa jooga.
Wasiir ku-xigeenka Warshadaha Somaliland, waxa uu sheegay in Xildhibaanka Baaskooladda ku qabtay uu is-been farriimay oo uu Wasaaradda Warshadaha ka dalbaday in Cagaf Hawl-gab ah oo taalla Warshadda Sibidhka Berbera looga saaro qalabka loo yaqaanno Geer-bogoska si buu yidhi uu ugu xidho Cagaf taalla degmada Agabar ee gobolka Gabiley, taas oo uu u fadhida Geer-bogos la’aan. Laakiin markii baadhitaan lagu sameeyay codsigiisa la ogaaday in aanay jirin Cagaf Golaha deegaanka Gabiley ogyahay oo xun isla-markaana aanay jirin warqad codsi ah oo iyaga timid.

Wasiirku wuxuu ku dooday in Xildhibaankan oo lagu Magacaabo Cali Duul-Duul uu Baaskoolad ku qabtay ka dib markii ay ka joojiyeen in la siiyo Qalabka Geer-bogoska ee uu doonayey in looga saaro Cagafta taalla Warshadda Sibidhka ee Berbera.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Cali Maxamed Axmed oo arrimahaa sharraxaya, ayaa yidhi, “Nin la yidhaahdo Calli Duul-Duul oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha deegaanka ee Agabar, ayaa noo yimid waxaanu noo sheegay in Cagaf ay leedahay degmada Agabar oo loogu shaqeynayo danta guud inuu ka xumaaday Geer-bogosku, sidaa daraadeed ay soo ogaadeen in Cagaf hawl-gab ah oo taalla Warshadda Sibidhka ee Berbera uu Geer-bogosku ka bad-qabo una baahan yihiin in Geer-bogoskaa la siiyo si degmada Agabar ugu shaqeysato Cagafta oo ay baahi weyn u qabto. Waxaanu ku nidhi warqad ka soo qora Maamulka degmada Agabar markaas ayaanu Warqaddaa idiinku lifaaqi doonaa Warqad kale si Cagafta Warshadda Shamiitada taalla looga soo saari Qalabka yar ee Cagafta Agabar u baahan tahay, dabadeedna Warqaddii buu soo qoray oo uu u keenay Wasiirka Wasaaradda, aniga iyo Wasiirkuna waanu ka wada hadalnay.”

Wasiir ku-xigeenka oo sii hadlaya ayaa sheegay, “Wasiirku wuxuu igu yidhi waxaan jecelahay inaynu Warqadda wada saxeexno, Adduunyadana lama arag Wasiir iyo Wasiir ku-xigeen wax wada saxeexa, laakiin iyada oo ay nidaam ahaan qalad tahay haddana Wasiirkayga waan ka aqbalay inaanu Warqadda wada saxeexno maadaama oo Wasiir kastaa deegaanka uu ka soo jeedo uu saamayn ku leeyahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Warqaddii waanu wada saxeexnay oo waxaanu ku socodsiinay isku-duwaha Wasaaradda Warshadaha ee Gobolka Saaxil iyo Badhasaabka gobolka oo aanu ku nidhi haddii Cagafteenu hawl-gab tahay qalabka (Geer-bogoska) ka fayow ha anfaco degmada Agabar.”

Wasiir ku-xigeenku wuxuu tilmaamay in Warqadda uu xildhibaanku la tagay Berbera uu baadhintaan ku sameeyay Taliyaha qaybta booliska ee Gobolka Saaxil isla-markaana soo ogaaday in aanay waxba ka jirin, “Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Saaxil oo markii hore laga soo beddelay Gabiley ahna nin hawl-kar ah, ayaa Markii Warqaddii u tagtay baadhay dhacdada waxaanu la hadlay Gabiley Maayarkeeda iyo Madaxdeeda kale waxayna u sheegeen Taliyaha qaybta booliska Saaxil in aanay jirin Cagaf ka xumaatay iyo Warqad ay Maamul ahaan soo qoreen, dabadeedna wuu ila soo hadlay oo wuxuu yidhi Maamulka Gabiley waxay yidhaahdeen wax Cagaf ah oo naga xumi ma jirto, dabadeedna waxaan ku idhi haddayna jirin warqad la soo qoray oo tani tahay wax la sameeyay iska soo celi ninkani waxaad ku tidhaahdaa raali ahow.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Ninkaa Cali Duul-duul wuxuu iigu Xafiiska waanu I caayey, markii aan dulqaad sameeyay ayuu haddana Baaskoolad iila soo baxay oo uu igu soo fiiqay, laakiin waxa handaday ninkii ila fadhiyey markaasuu ninkii inta uu Baaskooladdii Miiska saaray ayuu cararay oo uu iska tagay, dabadeedna waanu ka deba tagnay oo waxaan ku idhi Baaskooladdaada qaado, wax askar ahna ugumaan yeedhin”

Saxilnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here