Saxilnews.com
Warbixin Xasaasiya:Mid ka mida Raggii ka dambeeyay Afduubka Haweenkii Somalida oo la qabtay+Sidii looga soo badbaadiyey Haweenaydu afduubka u haystay
June 20, 2021 - Written by Baas Rashiid

Mid ka mida Raggii ka dambeeyay Afduubka Haweenkii Somalida oo la qabtay+Sidii looga soo badbaadiyey Haweenaydu afduubka u haystay

Booliiska Kenya ayaa soo xiray mid ka mid ah raggii ka dambeeyay “afduubka” gabdhaha Soomaalida dhowaan loogu geystay magaalada Nairobi ee caaismadda Kenya.

Xafsa Maxamed Luqmaan oo booliisku ay shaaciyeen in maanta laga soo helay xaafadda Kayole ayaa la sheegay in la afduubtay toddobaadkan dhexdiisa.

Eedeysanaha oo 24 jir ah ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa burcaddii afduubatay Xafsa, ayaa la soo qabtay booliiska ayaana su’aalo weydiinaya.

Booliiska ayaa ku raad jooga raggii kale ee burcadda ka tirsanaa.

Xafsa oo markii ugu dambeysay ku sugneyd dukaankeeda oo dhar lagu iibiyo ayay afduubteen koox burcad ah, kuwaas oo dalbaday Sh5 milyan.

Muuqaal naxdin leh oo laga soo duubay Xafsa ayaa lagu arki karay iyada oo wejigeedu bararan yahay isla markaana qoyskeeda ka bayeysa inay lacagta bixiyaan si ay nafteeda u badbaaddo.Xafsa ayaa haatan lagu daweynayaa isbitaalka.

 

Qaabkee lagu soo badbaadiyay gabadhii lagu afduubtay Nairobi?

Xafso Maxamed Luqmaan
Xafso Maxamed Luqmaan 

Booliska Kenya ayaa sheegay in saaka ay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan gabadh maalmihii lasoo dhaafay maqneyd oo lagu afduubtay Nairobi.

Laanta dambi baarista ee Kenya ayaa shaacisay in Xafso Maxamed Luqmaan laga soo badbaadiyay kooxihii afduubka geystay xilli ay ku hayeen guri cidla oo mugdi ah oo ku yaalla xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi.

Waxay booliska intaas ku dareen in gabadha lagu khasbay inay ku dhex jirto mid kamid ah haamaha lagu keydsado biyaha.

Qoraal ay laanta dambi baarista Kenya soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in nabarro dhanka wajiga iyo gacmaha uu ka muuqdo sidaas darteedna haatan loola cararay cisbitaal si xaaladdeeda loo daryeelo.

“Haweeneyda waxaa wajigeeda iyo gacmaheeda ka muuqday nabarro, durbadiiba waxaa loola cararay cisbitaalka si loo daweeyo”

Waxay booliska qabteen in nin 24 jir ah oo la sheegay in uu ka qeyb ka ahaa dadkii afduubtay Xafso Maxamed Luqmaan.

“Nin 24 jir ah oo ka qeyb ahaa dadkii afduubtay Xafsa ayaa la xiray, haatana waxaa su’aalo weydinayaa baarayaasha si uu sharraxaad ugu bixiyo falalka afduubka ah si uu uga caawiyo in lasoo qabto dambiilayaasha kale” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliska.

Booliska waxay digniin u direen qof kasta oo damacsan in uu ku kaco falal lamid ah dambigan isla markaana ay dadaal kasta ku bixinayaan sidii loo soo qaban lahaa dadka arrin noocaas ah ku lug leh.

Waxaa lagu soo warramayaa in kooxihii gabadha afduubtay ay isaga carareen goobta ka hor inta aysan soo gaarin booliska, sida uu ku warramaya wargeyska The Standard.

Wargeyska oo soo xiganayo booliska ayaa sheegay in xafso aysan waxbo cunin maadaama ay diiday cuntadii ay u keenayeen kooxihii qafaashay.

Xafso Maxamed Luqmaan
Xafso Maxamed Luqmaan 

Waxay shacabka uga mahadceliyeen la wadaagidda xogta u suurtagelisay badbaadinta Xafso Maxamed Luqmaan.

Xafso Maxamed Luqmaan oo 23 jir aheyd ayaa la waayay 15-kii bishan Juun xilli ay ku sugneyd xarunteeda ganacsi oo ku taalla xaafadda Islii. waxaana la rumeysan yahay in lala qafaashay gabadh kale oo la yiraahdo Xafso.

Muuqaal argagax leh oo lagu bahiyay baraha bulshada oo ay ka soo muuqatay gabadhan lasoo daayay, waxay sheegtay in kooxda haysata ay doonayaan illaa $50-kun oo dollar oo madax-furasho ah.

Muuqaalka waxaa ka muuqatay gabadha oo indhaha ay u xiran yihiin, wejigeedana uu ka muuqday jir-dilay, waxay ku tiri: “Waa la i afduubtay, lacagna way rabaan. Fadlan soo dira”.

Kenya waxaa aad looga hadal hayay agfduub loo geystay gabdho Soomaali ah oo lagu afduubtay Kenya, waxaa la helay qaar kamid ah gabdhahan iyadoo mid kamid ah meydkeeda laga helay magaalada Mombasa.

COMMENTS
Latest News