Saxilnews.com
WARBIXIN KOOBAN OO KU SAABSAN TAARIIKHDA . WAXBARSHO ,SHAQO EE XIL.MUBARIK XUSEEN MAXAMED
January 10, 2021 - Written by editor

Mubaarik Xuseen Maxamed Xeel Dheere waxa ku dhashay Magaalada Oodweyne taariikhdu markay ahayd 1976
Sooyaalkii Waxbarashada aasaasiga ah waxa uu ku qaatay Degmada Berbera waxaana uu dugsigiisii uu ka baxay hoose/dhexe ee Saaxil iyo Dugsiga sare ee Bursade ee Magaalada Berbera.

Mubaarik waxa uu degree giisii koobaad ka qaatay Jaamacada Camuud ee Magaalada Boorame isaga oo ka diyaariyay bachelor of science.

Prof mubaarak waxa kale oo uu diploma Caafimaad ah (laboratory )ka qaatay Jaamacada Shifa Medical University oo markaa ahayd Shifa Health Schoo Training School.

Sidoo kale Dr Mubarak waxa shahaadada Heerka labaad ee Masters ka uu ka qaatay Jaamacada Abaarso Tech isaga oo ka diyaariyay public health ama Caafimaadka guud. Waxaa kale oo masterkii labaad ka qaatay KAMPALA INTERNATIONAL UNIVERSITY oo ah master of Development Studies.

Shaqooyinka uu mubaarak soo qabtay waxa kamid ah Macalinimo isaga oo mudo 6 sano ah wax ka dhigayay Dugsiga sare ee Hargeisa iyo Burco
Sidoo kale mubaarik waxa uu wax ka soo dhigay Jaamacadaha Alpha UNIVERSITY, Jaamacada Burco iyo Togdheer UNIVERSITY.

Prof Xeel Dheere waxa mudo dheer uu ka shaqaynayay Xilal sarena ka soo qatay hayaddaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba sida Save the children, Caritas Switzerland, SYS, CANDLELIGHT IYO SOS CHILDREN’S VILLAGES.

COMMENTS
Latest News