Saxilnews.com
WAR:– HADA SOO DHACAY:— TALIYIHII SALDHIGA DHEXE EE MAGAALADA HARGEYSA OO XABSIGA LOO TAXAABAY IYO SABABTA KEENTAY XADHIGIISA
August 11, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (SaxilNews) Taliyihii saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa Maxamad Case ayaa ayaa xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa loo taxaabay.

Sababta keentay xadhiga taliyahan saldhiga dhexe ayaa ah, sida ay noo xaqiijiyeen ila wareedyo lagu kalsoonaan karaa ka dib markii uu siidayyay saddex qof oo u xidhnaa qabsoomida shirka baxarasaafka.

Waxaanay wararku intaas ku darayaan in taliyahan la taxaabo waxaa amarkiisa lahaa taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Jeneral Cabdilaahi Fadal Iimaan 

Ilaa hadana sida la sheegay waxaa uu ku xidhan yahay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa inta laga xaalayo arimaha loo heysto sida ay sheegayaan wararka aanu helaynaa.

Waa markii koobaad ee arin noocan oo kale ah loo xidho taliye ka tirsan ciidanka booliska Somaliland

Wixii warar ee danbe ka soo kordhana waxaanu idinku soo gudbin doona wararka danbe

COMMENTS
Latest News