WAR DEGDEGA :XOGHAYAHII DAWLADA HOOSE EE BERBERA OO XILKII LAGA QAADAY YAASE LAGU BADALAYAA

0
19

Hargeysa (SAXILNEWS.com)_Wasaraada Arimaha Gudaha Somaliland ayaa maanta xilkii ka qaaday Xoghayihii Dawlada Hoose ee Berbera Suheyb Maxamed Cali oo mudo sadex sanadood  ahaa Xoghayaha dawlada hoose ee Berbera, Waxaana Xoghayaha Maamulka Dawlada Hoose ee Berbera loo soo magacaabay Cabdikariin Aadan Siciid(Cabdikariin Aadan Cade)oo ay isku beel kasoo jeedaan Xoghayaha xilka laga qaaday.Xoghayaha Cusub ayaa la sheegay inuu kasoo shaqeeyay shaqooyin dhawr ah oo haayadaha caalamiga ah isaga oo imikana ahaa Maamulaha shirkada xawaalada Dahabshiil qeybta dalka Jabuuti.

Suheyb Maxamed Cali Xoghayaha Dawlada Hoose ee Xilka laga qaaday ayaa la sheegay inay sahatay Maamul xumo iyo wax isdaba marin baahsan oo uu ku kacay mudadii uu shaqeeynaayay ee sadexda sanadood aheyd iyada oo waxyaabaha ugu waaweyn ee laga xusi karo talaabooyinka guracan ee uu ku kacay ama la odhan karo way soo dadajisay bedelkiisa ay kamid yihiin dhul boob ba,an uu ku ku kacay isaga oo dad aad ubadan oo danyarana dhul ay lahaayeen uu ka qaaday cabashadiisuna ay gaadhay wasaarada arimaha gudaha kadib markii uu Maayarka degmada Berbera waano iyo wax sheeg kala quustay taasina ay soo dadajisay inuu xilka waayo.

Xoghayaha Xilka laga qaaday Suheyb Maxamed Cali oo hada ku maqan dalka debediisa gaar ahaan Wadamada Scandinavianka oo ay marti qaad ka heleen isaga oo Xildhibaan katirsan golaha deegaanka Degmada Berbera Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf Iyo Maareye Kuxigeenkii Dekeda Berbera Cumar Abokor Jaamac ayaa isaga oo dalka debediisa ku maqan xilka laga qaaday.

 

 

12295433_916306201778160_371275185022267252_n

 

saxilnews005@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here