Hargeysa ( saxilnews) – Masuul xil sare ka haya Somaliland ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay qaranka.
masuulka is casilay oo ahaa guddoomiyihii olymbiga somaliland Xasan Waraabe cade oo la soo xidhiidhay sagalnews ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaasi, waxaana uu yidhi “Anigoo Ah Haldoor Hassan Waraabacadde Waxaan si buuxda iskaga casilay Gudoomiyanimada Olymbiga shalay oo taariikhdu ahaayd 22.9.2015.
Waxaan cadeeynayaa in aan dhalinyaradda sidaaydii hore ee aan ugu adeegi jiray si mutadawacnimo ah aan ugu adeego wax kastana aan la qabto kamana caajisaayo maadaama aan u soo adeegay 21 sanadood. Waxaan u rajeeynayaa in qarankeenu uu maalin maalmaha ka mida ahmiyadda koobaad siin doono dhalinyaradda iyo cayaaraha.
Allaa had mahad leh
Haldoor Hassan Waraabacadde