Saxilnews.com
WAR DEGDEG AH Madaafiic xoogan oo ku Hoobatay madaxtoyada Villa Somaliya
February 26, 2015 - Written by admin

Muqdisho (Saxil News.com)-Waxaa goordhaw tiro madaafiic ah oon la ogeyn halka laga soo tuuray ay kusoo dhaceyn xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo goobo kale oo ku dhaw, waxaana madaafiicdaasi ka dhashay qasaare kala duwan.

Labo kamid ah madaafiicdaas lasoo tuuray ayaa ku dhacday gudaha xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana mid kamid ah madaafiicdaasi uu ku dhacay goob gawaarida la dhigto oo kutaala Madaxatooyada.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in madaafiicdaasi ay ka dhasheen qasaarooyin , waxaana goob joogayaal noo xaqiijiyeen in hal qof uu madaafiicdaasi uu ku dhintay sidoo kale ay jiraan dad ku dhaawacmay Madaafiicdaasi.

Qaar kamid ah Madaafiicda lagu soo tuuray Xarunta Mdaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhacday goobo ku dhaw dhaw sida Ex-Fiyoore, mana la oga ilaa hada halka laga soo tuuray madaafiicdaasi iyo waliba cida soo tuurtay.

 

MUQDISHO SOMALIYA

COMMENTS
Latest News