Saxilnews.com
War Deg Dega Wasiirkii Hore Ee Caddaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid Oo Shaki Galiyey In Madaxwayne Siilaanyo Gacanta Ku Hayo Tallada Dalka.
November 17, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews) :-Wasiirkii hore ee caddaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa waxa uu shaki galiyey in uu talada dalka ee xlligan gacanta ku hayo Madaxwayne Siilaanyo iyo in ay cid kale Ku hayso.

Ex Wasiir Xusseen ayaa sheegay in ay u badan tahay in ay arintaasi talada dalka iyo cida gacanta ku haysaa ayna ahayn Madaxwaynaha isaga oo sababeeyey waxyaabaha ka suuro galka ah in uu Madaxwayne Siilaanyo Gacanta ku haya Talada Dalka iyo in kale.

Ex Wasiir Xusseen oo arimahaasi ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii.

“Anuu dee horta wasiirbaan soo ahaayoo gacan yarena umaan ahayn wasiir madaxtooyona maan ahayn wasiir waxaan ahaa xaruntiisu ay ka baxsan tahay madaxtooyada ayaan ahaa,

“raga u badan madaxtooyada ee inta badan  dhex fadhiya Habeen iyo Maalina maan ahaan jirine nin dee shaqadiisa ku maqan baan ahaa markaa dee runtii waa la iga xog ogaalsan yahay laakiin dee madaxwaynuhu inuu In badan caafimaad iyo wax u tag tago dibada waan ka warhaynaa nin wayn in

uu yahayn waynu ognahay in uu shaqadii siyaasadeedna ka fadhiistayna waynu ognahay markaa dee halkaa waxbaa jira in aanu Siiraanyo ahayn sidii markii uu xisbiga Mucaaridka ah ahaa ee uu talada ku soo socday dee in aanu ahayn way ino muuqataa,”

Hadalka Wasiirka ayaa imnaya xilli ay bulshada Somaliland wax badan iska waydiiso in uu madaxwayne Siilaanyo dalka u taliyo iyo in ay shakhsiyaad gaar ah oo Qoyska Madaxtooyadu ay la wareegeen hogaankii dalka.

Ex Wasiir Xusseen ayaana ka mid ahaa siyaasiyiinta ay sida wayn iskugu dhawaayeen Madaxwaynaha Somaliland tan iyo aas,aaskii Xisbiga Kulmiye iyo intii uu ka midka ahaa Golaha Wasiirada ee Xukumadiisa.

COMMENTS
Latest News