Saxilnews.com
War Deg Dega:-Masuul Sare Oo Iska Casiley Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye Iyo Sababta
February 8, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Gabiley(Saxilnews):-Masuul sare oo ka mid ah xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa iska casilay xisbigaasi Kulmiye.

Masuulkan oo ah Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga Kulmiye Gabiley  Saado Yuusuf Axmed waxay sheecisay in ay gabi ahaanba iska casishey xilkii ay ka haysay xisbiga Kulmiye.

Waxaanay sheegtay in ay sababaha ay iskaga casishey ay kow ka tahay la shaqayn la,aanta maamulka cusub ee xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley sidaasi darteedna ay go,aansatay in ay gabi ahaanba iska casisho iyada xor iyo xalaal ah.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

COMMENTS
Latest News