Saxilnews.com
War:- Deg Dega:– Dil Toogasho Ah Oo Ka Dhacay Isgoyska Xaafada Xero Awr Ee Magaalada Hargeysa iyo… H
November 23, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews) dil toogasho ah ayaa ka dhacay Isgoyska Xaafada Xero Awr, waxaanu dilkani ka dhacay gudaha Farmasiiga Ina Sareeye, Marxuunka dhintay ayaa ah Ina sareeye.

Waxaanay wararku sheegayaan in marxuunkan dhintay ay walaalo yihiin Dr.ka weyn ee caanka ah ee Ina sareeye marxuunkan la dilayna uu yahay walaalkii oo u hayay Farmasiiga.

Waxaanay wararku intaasi ku darayaan in dilkan cida geysatay ay aheyd nin hubeysan oo qori la soo galay Farmasiiga isla markaana ku furay rasaas inankii hayay farmasiiga, halkaasina uu ku nafwaayay oo uu ku dhintay inankii farmasigan hayay.

Waxaanay dad goobjoogayaala oo madasha joogay oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ay noo sheegeen in uu baxsaday oo aan la heyn ninkii dilkan geystay hase ahaate ay ku daba jiraan ciidanka booolisku.

Mana cada ilaa hada sababta keentay dilka marxuunkan, hase ahaate wixii wara ee danbe ka soo kordha waxaanu idiinku soo gudbin doona wararkayaga danbe

COMMENTS
Latest News