Saxilnews.com
War:- Deg Dega:– Ciidamo La Wareegay Gacan Ku Heynta Garoonka Diyaaraduhu Ka Haadan Ee Ismaaciil Mire Iyo Sababta Keentay
February 5, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Laascaanood (Saxilnews)War hada na soo gaadhay ayaa sheegay in ciidano tira badani ay la wareegeen gacan ku heynta garoonka diyaaraduhu ay ka haadan ee Ismaaciil Mire .

Waxaanay ciidankan la wareegay gacan ku heynta garoonka Ismaaciil Mire ay diidan yihiin inay garoonka ka dhoofaan wafti uu hogaaminaayo madaxweynaha khaatumo Professer Cali Khaliif Galeydh.oo u anbabaxay dalka Jabuuti halkaasi oo ay dib uga furmayaan wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Khaatumo.

Garoonka Diyaaraduhu Ka Haadaan Ee Ismaaciil Mire Oo Ay Gacan Ku Heyntiisa La Wareegeen Ciidamo

Waxaanay ciidamanadan la wareegay garoonka diyaaradaha ee Ismaaciil Mire ay sheegeen inanay ogoleyn wax diyaarada oo garoonka kana kacdan kana soo degta, iyada oo leys dhaafsaday rasaas tiro badan ma jiro ilaa hada wax khasaare ah oo ka dhashay

 

Wixii warara ee ka oo kordha waxaanu idiinku soo gudbin doona wararkayaga danbe

 

COMMENTS
Latest News