Saxilnews.com
War:- Deg Deg:–Xildhibaankii Ugu Horeeyay Baarlamaanka Cusub Oo La Doortay Natiijada Uu Ku Gudbey Iyo Qabiilka Uu Ka Soo Jeedo.+Sawiro Garoowe
November 5, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Garoowe(Saxilnews) Wararka naga soo gaadhaya magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in goor dhaweyd lagu doortay xildhibaankii ugu horeeyay ee ka mid noqonaya baarlamaanka Soomaaliya.

Musharax Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh)  oo la tartamayay musharax kale ee Cabdirashiid Xasan Yuusuf ayaa kaga guuleystay cod aqlabiyada, iyada oo uu helay Cali Xoosh cod gaadhaya 49 halka musharaxa kale uu hal codoo kaliya.

Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka mida ah gudida doorashada dadban ee heer faderaal ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashooyinka, wuxuun sheegay in Cali Yuusuf Xoosh uu ku guuleystay kursiga beesha Ciisa Maxamuud ee aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka.

 

COMMENTS
Latest News