Saxilnews.com
War Deg Deg:-Mudaharaad Balaadhan Oo Gil Gilay Magaalada Boorame Iyo Sababta Dhalisey.
February 2, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews):-Wararka Warbaahinta Hangoolnews ka soo gaadhaya Magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal ayaa sheegaya in uu haatan si rasmi ah uga bilaabmay mudaharaad xoogan oo ay samaynayaan dadwaynaha Dega Magaaladaasi.

Ujeedada Mudaharaadkan ayaa ha mid lagaga soo hor jeedaa xadhiga xukumada Somaliland xidhay Maayar ku xigeenkii hore ee degmada Boorame Maxamed Muxumed Faarax (Dheerayste) kaasi oo sadexdii maalmood ee ugu dambeeyey ku xidhan Magaladaasi.

Xadhigiisa ayaa ka dambeyey ka dib markii uu xildhibaanku ka hadlay Weerar ay dhawaan kusoo qaadeen ciidamada ka tirsan Ismaamulka Somalida ee Itoobiya ee Liyuu Boolisku Deegaanka loo yaqaan Garbo-Haarey oo ku dhow Magaalada Wajaale,isaga oo xildhibaanku ku dhaliilay gurmadkii ay ciidamada booliska gobolka Gabiley ku soo qab qabteen Ciidamadii Liyuu Booliska ahaa.

Isaga oo ku sababaynaya in deegaankaasi ka tirsan yahay Gobolka Awdal kuna dhaliilay masuuliyiinta Gobolka Awdal Gurmad la,aanta weerarkii ay so qaadeen ciidamada Liyuu booliska ahi.

Saxilnews Kala soco Wixii Warar ah ee ka so kordha Mudaharaadkaasi

Source Hangoolnews

COMMENTS
Latest News