Saxilnews.com
War Deg Deg : Maxakmada Gobolka Saaxil Ayaa Ooda KaQaaday Suxufiyiintii Ku Xidhnaa Saldhiga Dhexe Berbera
May 28, 2016 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Waxanu saaka kusoo buuqnay maxakmada gobolka saaxil oo la keenayey sadex wariye oo mudo afar cisho ah ku xihdnaa saldhiga dhexe ee magaalada berbera kadiba waxay halkaasi maxakamadu dhagaystay dawcda loo haysto –iyo eedaha lagu xukumayo raggan suxufiyiinta ah xeer ilaaliyaha gobolka saaxil ayaa maxakmada gudaheeda kasheegay inaanayn ragani mudo dhaaf yihiin sidoo kale aanu jirin xukun soo qabasho ah oo sharciya oo lagu keenay saldhiga sidoo kale waxaa xeer ilaaliyuhu sheegay in loo adeegsaday xeerarka lagu xukumo Khamriilayaasha iyo Dub Jirta Hubaysan

Kadib waxaa la gudo galay dhagaysigii dawcad loo haysto wariyaasha iyadoo halkaasina mid mid loo waydiiyey waxa uu filayo inuu uxidhan yahay balse wxay si isku mid ah u cadeeyeen inuu maayark magaalada berbera ku xadgudbay una isticmaalay awoodo ka saraaya isagoo ka cadhooday hadalo laga baahiyey xildhibaan saleeban cali khayre oo ka tirsan golaha deeganka  Berbera taasina ay keentay inuu maayar cidin ku dibaaqo saldhiga liita ku caba

Dhagaysiga hadalka suxufiyiinta iyo xeer ilaalinta kadib waxay maxakmada gobolka saaxil ku dhawaaqday inay xoriyadoodii ucelisay ilaa hadana aanay jirin dabi ay galeen sadexdan suxufi oo kala ahaa Mubaarig Cismaan Siciid (Nirig) STAR TV Axmed Siciid Maxamed KALSAN TV C/raxmaan Maxamed Cige SOMNEWSTV

Sadexdii Suxufi ayaa albaabka soo qaaday iyagoo ku faraxsan cadaalada ay qaaday maxakmada gobolka saaxil sidoo kalena waxay umahadnaqeen gudoomiyaha Maxakmada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali oo noqday hormuudka kaliya ee dhaliyey in la helo cadaalada loo siman yahay

 

www.saxilnews.com

 

COMMENTS
Latest News