Saxilnews.com
War Deg Deg :–Garabkii Jamaal Oo Ka Hadlay Halka Uu Marayo Wada-hadalkii Ay Kula Jireen Waddani+Kana Jawaabay Warar Sheegayay In Jamaal Ka Baydhay Garabkoodii.
November 27, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews) Garabka Jamaal Cali Xuseen iyo xubno ka mida xisbiga WADDANI ayaa siwada jira uga hadlay halka uu marayo wada hadalkii u dhaxeeyay xisbiga iyo garabka Jamaal.

Aadan Suldaan oo ka mida garabka Jamaal Cali Xuseen ayaa faahfaahin ka bixiyay halka ay marayaan wada hadaladii ay la galeen xisbiga WADDANI.

Waxaanay sidaas ka sheegeen mar ay maanta warbaahinta kula hadlayeen Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Aadan Suldaan oo ka mida xubnaha garabka Jamaal ayaa ka warbixiyay halka uu marayo wada hadaladii u socday xisbiga WADDANI waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Wadda haddaladii noo socday WADDANI waanu wadda haddalnay maanta waxna wey noo dhammaadeen,waxna weli isla maanu meel dhigin waanay noo socdaan hawlihii,waxaanan idiin sheegi doonaa wixii dambe ee balan ah,”

Aadan Suldaan Isagoo haddalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray “wax allaala wax ka jiraa ma jiraan jamaal-na waanu wadda soconaa ,kan WADDANI maanu hakin ee wadda haddaladii KULMIYE ayaanu hakinay”

Sidoo kale Siciid Sulub Maxamed oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa  ka hadlay meesha ay wax u marayaan waxaanu yidhi  “horta sidaas Suldaanku sheegay  wadda haddal kayagii noo soo socday mudada   marxadalada aad u wanaagsan ayuu marayaa,oo xaal uun u dhimanyihiin, insha allahu qoladiin saxaafada ee haddalka ka baayac mushtaraysaa ,war farxadle ayaa naga maqli doontaa,qoladan UCID anagu UCID ahaan ayaanu idiina la haddlaynaa”

COMMENTS
Latest News