Saxilnews.com
War Deg deg ah:Siddeed Qof “8 Qof” Oo Lagu Xidh-Xidhay Degmada Coodanle+Sababta Ay U Xidhanyihiin Coodanle
November 16, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Coodanle (Saxilnews)-Degmada coodanle ee Gobolka togdheer oo ay safar ugu kicitintay Subaxnimadii hore wafti ay hogaaminayso wasiirka maaliyada somaliland marwo samsam cabdi Aadan, ayaa deeq raashin ah oo ay gaadhsisay kadib ayaa waxaa sawir lagaga qaaday dadkii Abaaruhu kulansiiyeeen ee iskugu soo qaxay degaanka coodanle Sawirkaasi kadib markii ay wasiirada maaliyada iyo waftigeedii ay hogaaminaysay, ayaa waxaa goobtii raashinka lagu qaybinayey lagu yidhi dadkii mucaawinada lasoo gaadhsiyey alaabtan ma lihidin, ee ka dareera.

intaasi kadibna caga juglayntii dadka badankoodu way iskaga tageen, lakiin 8 Qof ayuunbaa diiday in ay ka tagaan, madaamo sawiro laga qaatay.
dadkaasi oo kala ahaa 8 Qof oo 5 Ka mid ahi ay yihiin Dumar halka 3 kamid ahina ay yihiin Rag.
Deeqdani mucaawinada ah ee Masaakiinta la siiyey ayaa iyadu ah mid La Musuq maasuqay, SIda ay Noo cadeeyeen Dadka Degankaasi ku Nool,
ee Looga Qateenka ahi.
Dadka degaanka Coodanle ee ay Xalada abaareed kulmisay ee iskaga kala yimid Gobolada Bari ee dalka, Ayaa arintaasi Walaac Xoogan ka mujiyey arintani, Kuwaasi oo Baaq u diray Cid kasta oo Wax ka qaban Karta Arinkani Meesha ka dhacay.

COMMENTS
Latest News