War Deg Deg Ah:Badhasaabka Oodweyne Oo Xabsiga U Taxaabay Odayaal Iyo Madaxdhaqameed Ka Hadlay Khilaaf Isaga iyo Maayarka U Dhexeeya

0
16

War Deg Deg Ah:Badhasaabka Oodweyne Oo Xabsiga U Taxaabay Odayaal Iyo Madaxdhaqameed Ka Hadlay Khilaaf Isaga iyo Maayarka U Dhexeeya

Oodweyne( saxilnews)Maamulka Gobolka Daad-madheedh ayaa habeenkii xalay xabsiga u taxaabay Saddex Caaqil iyo oday dhaqameed shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Oodweyne kuwaasi oo dhaliilay nidaamka maamul ee baadhasaabka gobolkaasi.

 

Xubnahan oo kala ah Chief Caaqil Cali Mataan x. Xuseen, Caaqil Cabdixakiim Cabdillaahi Cilmi, Caaqil Muuse Quulle Xaashi iyo Oday Shaakir Deeq ayaa xalay fiidkii Ciidammada Booliska Ee Magaalo Madaxda gobolka Daad Madheedh Ee Oodweyne xabsiga u taxaabeen kadib markii uu amarka xadhigooda bixiyey guddoomiyaha gobolku, waxaana ciiidankan oo uu hoggaaminayo taliyaha qaybta booliska ee gobolku ay iyagoo hubaysan guluf ku qaadeen guriga maayarka degmada Oodweyne oo xubnahani ku sugnaayeen xilligaas, waxaana halkaasi ka dhashay qas iyo jahawareer markii ay ciidammadu damceen in ay xoog ku kaxeeyaan xubnahan, waxaana halkaasi ka dhashay xabado ay ciidanku kor u rideen si ay u kala dareeriyaan dadweyne faraba badan oo ku soo xoomay gurigaasi.

Ujeeddada Sababtay Xadhiga xubnahan

Cuqaasha la xidhay ayaa saxaafadda uga waramay khilaaf kala erdheeyay badhasaabka gobolka iyo taliyaha qaybta oo isku dhinac ah iyo Maayarka Oodweyne, iyagoo badhasaabka ku eedeeyay maamul xumo iyo inuu maroorsanayo awoodda golaha degaanka ee shacabku doortay.

 

Caaqil Cabdixakiim Cabdillaahi Cilmi oo kamid ahaa cuqaasha xabsiga loo taxaabay oo xalay khadka telefoonka ugu warramay wargeyska Hubaal wax yar ka hor intaan saldhiga booliska ee degmada loo taxaabin ayaa ka warramay sida ay wax u dhaceen, waxaana uu yidhi “Walaalo caawa [xalay] makhribkii iyo cishaa’iga dhexdoodii ayaa annaga oo ku sugan aqalka maayarka Oodweyne waxaa noo yimi gaadhi ciidan ah, oo waxaa ayna yidhaahdeen waad xidhan tihiin, kadib waxaanu ku nidhi orda iska taga waanu idinka daba imanaynaaye, kadib inta ay tageenbay haddana soo noqdeen iyaga oo uu la socdo taliyihii qaybtu, halkaana waxaa walaal ka dhashay buuq iyo qas oo dadkii magaalada ayaa kacdoon sameeyey oo yidhi ma xidhi kartaan, ciidankiina xabbado ayay kor u rideen oo guriga aanu ku jirnay dusha kaga rideen.” sidaa ayuu yidhi.

 

waxaanu intaa ku daray, “Markii dembe ayaanu annagu isa soo xidhnay kadib markii aanu la tashi samaynay, waxaana aanu la soo xidhiidhnay suldaankii guud ee deegaanka Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo isaguna waxaa uu nagu yidhi orda saldhiga taga oo isa soo xidha, sidaasi ayaanu hadda isku xidhnay” ayuu yidhi Caaqilku.

 

Caaqilka oo ka hadlaya sababta xadhigoodu waxa uu yidhi “Walaalo beryahanba waxaa jiray khilaaf ka dhex jiray Maayarka degmada oodweyne iyo taliyaha qaybta bilayska ee Oodweyne, kaasi oo sababay in Ciidanka Boolisku ay soo xidhaan baabuurka maayarka oo deegaanka daba-gorayaale la yidhaahdo cashuur kasoo ururinaya, markii taasi dhacdayna waxaa arrintii soo dhex galay baadhasaabkii gobolka oo isaguna la saftay taliyaha qaybta, isaga oo ku amar ku taagleeyey golihii shacabku soo doortay ee deegaanka isla markaana maayarkii ay wada shaqayntu ka dhaxaysay ayaa uu damcay in waxba ka dhegeysan waayo.

Marka ay halkaa arrintu maraysay ayaanu annaguna ileen madaxdii dhaqanka ee degmada ayaanu nahay waanu ka hadalnay oo shir jaraaid baanu qabanay oo TVga star baanu ka hadalnay oo runta ayaanu sheegnay, kadibna sidan ayay wax u dhaceen caawa (xalay)” ayuu yidhi Caaqilku.

 

Waxaanu intaa ku daray in wasiirka arirmaha guduhu uu xalay amar soo siiyey baadhasabka Oodweyne iyo taliyaha qaybtu inay Hargeysa soo galeen oo xaggiinaas bay caawa u soo baxayaan inkastoo aanay wali magalada ka bixin.”

saxilnews005@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here