Saxilnews.com
War Deg Deg Ah:– Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Is-Casilo Saacadaha Soo Socda + Madaxtooyada Oo Uu Cadho Kaga Soo Baxay
February 11, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews) Wararka hor dhaca ah ee naga soo gaadhay dadka ka ag  dhaw dhaw ee ku xeeran wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa iftiiminaya in uu goor-dhaw oo ah sacaadaha soo socda iscasili doono wasiirkani, hadii aanay ugaba horeyn seefta madaxeyne Siilaanyo.

Wasiirkan iyo waftii uu ka mid yahay oo maalinkii shalay ka soo dagey garoonka diyaaraduhu ka haadaan eeCigaal International Airport ee magaalada Hargeysa, ayaa wajigiisa waxaa ka muuqday carabkana uu ku adkeeyay inuu ka soo horjeedo wareejinta madaarka magaalada Barbara.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa tan iyo markii uu ka qayb qaatay sidii gacanta Imaaratka u galli laheyd marsada dekada Barbara oo uu saxeexeeda isagu qalinka ku duugay ayaa waxaa uu la kulmayay, culeys iyo canbaareyn kaga imanayay bulshada rayidka ah qaybaheeda kala duwan, taasina waata keentay inuu ka gabado mashruuca mad-madowga faraha badani ku jiro, ee markale lagu mulkisiinayo garoonka diyaaradaha ee Barbara dawlada Imaaratka Carabta.

Sawirka:- WasiirkaArrimahaDibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire Oo La FilayoInuuGoordhowIscasilo

Wasiirkani ayaa isaga oo ay wajigiisa ka muuqato dareen cadho iyo diid-mo badan leh ka soo baxay madaxtooyada Somaliland sida ay warar hoose u sheegeen Hangoolnews, waxaana la filayaa inuu is-casilo saacadaha socda, taasi oo ay kula taliyeen qaybo ka mida bulsha weynta reer Somaliland

 

COMMENTS
Latest News