Saxilnews.com
War Deg Deg Ah:- Tirinta Codadka Doorashada Somaliya Oo Lasoo Gabo Gabeeyay , 4 Musharax Ee Ugu Codadka Badan Iyo Musharaxa Ku Guuleystay
February 8, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (Saxilnews):- Waxaa goordhaweyd lasoo gabo gabeeyay tirinta codadka wareegakoobaad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya , waxaana codadka ilaa hada la tiriyay ku horeeya Musharax Xasan Sheekh Maxamuud.

Musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo hogaaminaya Musharaxinta tartameysa ayaa helay codad gaadhaya 90-cod waxaana musharax labaad ee kusoo xiga Farmaajo uu isna helay codad gaaraya 72-cod

 

Waxaa inta badan wareega koobaad ku hadhey Musharaxiintii u taagneed Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana wareega labada usoo baxay una tartami doona afarta Musharax ee ugu codadka badan.

 Musharaxiinta ayaa codadka u kala helay sida tan;

1-Xasan Sheekh Maxamuud 88-Cod

2-Maxamed C/llaahi farmaajo 72-cod

3-Shariif Sheekh Axmed 49-Cod

4-Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke 37-cod

5-Jibriil Ibraahim Cabdulle 1-cod

6-C/qaadir Cosoble Cali 25-cod

7-C/raxmaan C/shakuur Warsame 9-cod

8-Saciid C/llaahi Deni 18-cod

9-Cali Xaaji Warsame 3-cod

10-Cabdulahi Cali Axmed (Cadow) 14-cod

11-C/naasir Maxamed Cabdulle 6-cod

12-Xaaji Maxamed Yaasin 2-cod

13-Cabdulahi Cilmooge Xirsi 0-cod

14-Maxamuud Maxamed Culusow 0-cod

15-Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) 2-cod

16-Maxamed Cali Ameeriko 0-cod

17-Saciid Ciise Maxamuud 1-cod

18-Maxamed Axmed Jabarti 1-cod

19-Maxamed Cabdirisaq 0-cod

20-Bashiir Raage Shiiraar 0cod

21-Axmed Maxamed Cabdi 0-cod

 

Xildhibaanada iyo musharaxiinta ayaa waxaa ay hada u baxeen tukashada salaada Casar iyo soo qaadashada nasasho kooban oo ay ku soo nusa saaceynayaan

Waxii warar ah ee ka soo kordha kala soco wararkayga danbe Insha alleh

COMMENTS
Latest News