Saxilnews.com
War Deg Deg ah Qarax Ismiidaamin Ah Oo Goor dhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
November 5, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Muqdisho(Saxilnews) Qarax weyn ayaa goor dhow abaarihii 6:45 daqiiqo fiidnimo ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ismiidaamin ahaa ayaa laga maqlay daryankiisa meelo badan oo ka tirsan magaalada..
Waxaa qaraxa ka dib la maqlay rasaas xoogan oo ay ridayaan ciidamada dowlada Somalia oo halkaas ku leh bar control.

Wararka hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxan uu dhacay ka dib markii gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lagu dhufttay gaari kale oo marayey agagaaarka isgoyska Sayidka.

Lama oga cida la socotay gaariga qaraxa lagu weeraray iyo guud ahaan khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana goobta xiray ciidamada amaanka.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkeena ugu horeeya insha ALLAAH Isha Ku Hay Www.Gabileytv.com

COMMENTS
Latest News