Saxilnews.com
War Deg Deg Ah : Qarax Aad U Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.
November 26, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Muqdisho(Saxilnews)Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan uu ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa loo yaqaan beerta oo kuyaala agagaarka Xerada Ciidanka Cirka Afisiyooni ee Degmada Waabari sida ay noo xaqiijiyeen dad halkaasi ku dhaw.

Qaraxan xoogan ayaa la sheegay in uu ahaa ismiidaamin, waxa uuna ka dhacay Suuqa Beerta gaar ahaan goob ay dad badan ku sugnaayeen, waxaana qaraxan ka dhashay qasaaro badan oo isugu jira dhimaho iyo dhaawac.

Waxaa lagu soo waramayaa in halkaasi yaalaan dad badan oo shacab ah oo ku dhintay qaraxaasi, waxaa sidoo kale goobtaasi laga qaaday dhaawacyada dad ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxaasi ismiidaaminta ah

Ciidamada booliiska iyo kuwa Nabad Sugida ayaa xidhay halka uu qaraxu ka dhacay, walina si rasmi ah looma oga halka qaraxan lala damacsanaa, waxaana qaraxan u dhacay xili amaanka si weyn loo adkeenayay.

COMMENTS
Latest News