War Deg Deg ah: Natiijadii Imtixaanaadka Dugsiyada Sare iyo dhexe oo lagu dhawaaqay.

0
18

Hargeysa(Sxilnews)-Xafiiska imtixaanaadka Qaranka Somaliland u qaabilsan, ayaa goor dhaweyd shaaciyey Natiijadii Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Fasallada Siddeedaad ee Dugsiyada dhexe iyo Afraad ee Dugsiyada sare.

Shir jaraa’id oo ay goor dhaweyd ku qabteen Xafiiskooda, ayey ku shaaciyeen natiijadaas, waxana Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanka Daa’ud Axmed Faarax uu ardayda kula dardaarmay inay qiska imtixaanka yaraystaan si aqoontoodu aanay dib ugu dhicin.
Sanadkan waxa Kaalinta Koowaad ee Dugsiyada Sare ee Gaarka loo leeyahay kaalinta koowaad u galay Cabdiraxmaan Maxamed Cige Jaamac oo dugsiga Nuradin Hargeysa ka tirsan, halka kuwa Dawladdan uu Kaalinta Koowaad u galay Xame Cumar Maxamed Guuleed oo dhigan jirey Dugsiga Sheekh Ibraahim ee Magaalada Burco.
Dugsiyada Dhexe ee Gebi ahaanba Waddanka waxa Kaalinta Koowaad ay u gashay Nadiira Khadar Xasan Siciid oo dhigan jirtey Dugsiga Al-khayr ee Magaalada Hargeysa.
Tirada Ardayda Dugsiyada dhexe ee Sanadkan imtixaanka u fadhiistay, ayaa lagu sheegay 13985-Arday, Halka kuwa Sare ahaayeen 9354-Arday.

maxamed xasan

saxilnews005@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here