Saxilnews.com
War deg-deg ah. Dhibanihii Askarigu ku toogtay Xabsiga Koodbuur oo Geeriyooday””
August 15, 2015 - Written by admin

War deg-deg ah. Dhibanihii Askarigu ku toogtay Xabsiga Koodbuur oo Geeriyooday

Hargeysa( Saxilnews.com) :- Innaa lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa goor dhawayd subaxdii ay naftu ka baxday ardaygii maxbuuska ahaa ee aroornimadii shalay uu askarigu ku dhex toogtay saldhigga Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa.

Marxuumkan oo lagu magacaabi jiray Axmed Dayib Cabdi Korse ayaa u dhintay dhaawacyo culus oo kasoo gaadhay Rasaas uu huwiyey askari ka tirsan ciidanka Boolisku, taasoo shaandhada ka dhigtay madaxa iyo qaybo badan oo jidhkiisa ah.

Falkan foosha-xun ayaa waxaa ka hadlay taliyaha ciidanka Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ku tilmaamay shil dhacay, isagoo sheegay in gacanta lagu dhigay askarigii toogtay wiilkaasi, isla markaana si deg-deg ah sharciga loo horgeyn doono.

Marxuumkan ayaa sida lanoo sheegay ay xaafaddoodu jaar la tahay Mujaahid Axmed Jabaan oo dhawaan isna wiil uu dhalay ay ciidamada Boolisku si toos ah ugu toogteen xaafadda ay galaan horteeda. Waxaanay dhawaceen 4 qof oo kale.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in toogashadani ay u dhacday si u kas ah, isla markaana uu askarigani u badheedhay toogashada wiilkan. Waxaanu marxuumku uu haatan yaallaa qolka Maydka ee cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

Dhacdooyinkan foosha-xun ee dadka shicibka ah siiba dhalinyarada lagu ugaadhsanaayo ayaa haatan kusoo badanaaya dalka. Waxaana aad la isku waydiinayaa amarrada dhagarta ah cidda bixisay ee ciidanku xabadda nool ula dhacayaan dadkooda.

Saxilnews.com

Saxilnews005@gmail.com

head office berbera

COMMENTS
Latest News