Saxilnews.com
War Deg Deg Ah Deeganka Geel Gardi Oo Rasaas Iyo Dagaal Ku Waabariistay Saaka Arooryadii Hore
February 13, 2016 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Saaka Subaxadii Hore ayaa waxa dagaal Ku dhex maray Deeganka Ceel Garde dadka xoolo dhaqatada ah ee kasoo jeeda Deegaanka Gobolka Saaxil iyo dabley beelaysan oo kasoo jeeda Deeganka Bariga Burco kuwaas oo ku hawlanaa dhismaha Deked Macmal ah oo qaab beelaysan ay udhisanaysay Beesha Madaxweyne Siilanyo kasoo jeedaa kana dhisayso Deeganka Ceel Garde.

Wararka ay dagaalkaa ka helayso shabakada wararka ee Saxilnews.com ayaa sheegaya in dadka xoolo dhaqatada ah ee dhismaha Dekedaas weerarka ku qaaday ka biyo diideen Dekeda qaabka beelaysan udhisanmayso beesha Madaxweyne Siilanyo oo laga yaabo inay kala soo dagaan waxyaabo amniga deegaanka waxyeelo ugeysta iyada oo maalmihii udanbeeyay dhismaha Dekedaas dadka deegaanka Gobolka saaxil siweyn uga hadlayeen baaqyona kasoo saarayeen balse aanay Xukumada Madaxweyne Siilanyo dheg ujalaqsiin.

.

Ilaa hada Lama Oga Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaas balse waxa la xaqiijiyay inuu dagaalkaasi saaka subaxnimadii goobtaas ka dhacay, waxyeelona loo geystay qabkii dekedkaas macmalka ah lagu dhisaayay goobtana laga eryay dabley hubeysneyd oo kasoo jeeday Beesha Bariga Burco ilaa hadana ay Waxaa La Sheegayaa In Mishiinka Laga Toogtay Gacaftii Ka Shaqaynaysay Dekeda Iyo Laba Babuur Oo Ah Nooca Loo Yaqaano LANGRUSERKA AMA VIX Oo Ay Wateen Dablayda Beeshaasi 

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil, Mayarka Degmada Berbera iyo Xildhibaano socdaal ku maarayay deegamada galbeedka Gobolka saaxil ayaa deg deg usoo gabagabeeyay socdaalkaa kuna soo jeeda Magalada Berbera si ay xalinta dagaalkaa uga qeyb galaan.

Wararka Ayaa Intaasi Ku Daraya Inay Jiraan 

Wixii Intaasi Dheerad Ah Kala Soco Shebakada Saxilnews.comlo

 

COMMENTS
Latest News