Hargeysa(Saxilnews):-Wararka hadda naga soo gaadhaya magaalada Ceel-afwayn ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in degmada Ceel-afwayn ay mar kale diriri ku dhex martey Caawa Fiidkii labadii beelood ee dhawaan Dirirtu ku dhex martey Deegaano hoos yimaada degmada Ceel-afwayn kuwaasi oo ilaa hadda lagu gudo jirey xalinta shaqaaqadii hore u dhex martey labadan beelood ee walaalaha ah taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Israsaasaynta la sheegaayo in ay caawa fiidkii mar kale dhex martey Beelaha ayaa ilaa iyo haatan inta la ogyahay waxa ku dhaawacmey laba Qof iyada oo sidoo kale warar ilaa iyo haatan aan wali la xaqiijin ay sheegayaan in uu halkaasi ku dhntey hal qof.
Wararka nasoo gaadhaya aya waxay tibaaxayaan in is-rasaasayntani ay ka dhalatay kadib markii dabley hubaysani ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen dad halkaasina ay ku dhaawaceen laba qof.
Ciidamada Qaranka Somaliland oo halkaasi hore loo keenay ayaa la sheegayaa in ay ku hawlan yihiin sidii ay u kala dhex gali lahaayeen Beelaha Walaalaha ah ee mar kale dirirtoodii dib u soo cusboonaatey.
Ugu dambayn xidhiidho kala duwan oo Shabakada Hangoolnews ay la samaysay dad ku sugan gudaha Magaalada Ceel-afwayn ayaa waxay xusayaan in dhawaqa rasaasta si teel teel ah looga maqlaayo gudaha Magaalada Ceel-afwayn balse ilaa iyo haatan aan wali la xaqiiin Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor imaadka labada dhinac.
Kala Soco Hangoolnews Wixii warar ah ee ka soo kordha Dagaaladaasi