Walaac laga qabo dhaqaalaha Bariga Dhexe

0
25

OPEC (Saxilnews)-Suuqa saamiyada ee Dubai ayaa hoos u dhacay 7% halka Sacuudiga uu hoos u dhacay 6%, kadib markii hayadda qiimaysa waddamada iyo shirkadaha dhaqaalahooda ee Fitch ay hoos u dhigtay qiimaynta Sacuudiga.

Toddobaadkii hore, suuqa Dow Jones ee Maraykanka ayaa hoos u dhacay 6%, halka suuqa FTSE ee UK uu sicirka saamiyada shirkadaha uu hoos u dhacay 5%.

Maalgashatada ayaa ka walaacsan hoos u dhaca Shiinaha iyo saamaynta uu ku leeyahay dhaqaalaha adduunka.

Faransiiska suuqa Cac 40 iyo Jarmalka suuqa Dax ayaa hoos u dhacay 7% toddobaadkii hore.

Bariga Dhexe waxaa jira walaac gooni ah oo ah sicirka shidaalka oo aad u hooseeya, kaasoo hoos u dhacay in kabadan kala bar sanadkan, wuuna sii dhacayay tan iyo bishii May. Saliida nooca Brent Crude oo ahayd $68 barmiilkii, hadda waa $45 barmiilkii.

Hood u dhaca shidaalka waxaa sabab u ah shidaal badan suuqa yaala, intooda badan waxay ka imaadeen soo saarayaasha Maraykanka ee saliida Shale soo saara. Saliida Shale ee Maraykanka uu soo saaro ayaa hoos u dhigtay qiimahii ay ku lahaayeen dalalka OPEC ku jira saliidooda suuqyada.

Sacuudi Carabiya, Ciraaq, Kuwait, Qadar iyo UAE ayaa kuwada jira ururka OPEC.

Sidoo kale waxaa saameeyay warbixin ay soo saartay hayadda Fitch ee qiimaysa dhaqaalaha dalalka iyo shirkadaha, iyadoo saadaalinta Sacuudi Carabiya ay ka dhigtay mid aan fiicnayn (nagative). Halka ay awal ahayd mid aan isbadal lahayn.

Talaabadan ayaa ka jawaabaysa walaac laga qabo mustaqbalka dhaqaalaha Sacuudiga oo aad ugu tiirsan shidaalka uu dhoofiyo.

 

 

 

maxamed xasan

 

 

saxilnews005@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here