Saxilnews.com
Wakhtiga La Caleemo Saarayo Madaxweynaha Cusub Ee Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Oo Lagu Dhawaaqey .
February 14, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

 

Moqdisho (Saxilnews):- Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqey wakhtiga la caleemo saari doonomadaxeynaha cusub ee dalka Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo

Image may contain: 3 people

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban sideed xubnood oo loo xil saaray qaban qaabada xafladda caleemo-saarka

 

Waxaana xafladda caleemo saarka la sheegay inay dhici doonto 22-ka bishan February , sida ku cad qoraal kasoo baxay ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajao ayaa lagu doortay doorasho magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacday sideeddii bishan waxaana uu noqdey madaxweynihii sagaalad ee dalka Somaliya yeesho

COMMENTS
Latest News